telesom
logo
logo
logo
|

Jama Karaciin iyo Billaddii Dahabka ee Ciyaartoy Kamza Driouch

 

Waxaa khamiistii dhoweyd bishan July 12, magaalada Barcelona ee Spain lagu qabtay ciyaarihii IAAF ee caalamiga ahaa. Waxaa sida joogtada ciyaartoydaa ka mid haa ciyaaryahanadda Tababaraha caanka ee Jama Mohamud Aden (Karaiin). Dhallinta ka socotay waddanka Qatar ee tababaro Jama ayaa ahayd qaar indho-gaar ah lagu eego markay ka qaybgalayaan ciyaarahan oo kale.

Waxaa haddaba ka mid ahaa Ciyaaryahanda uu Jama Aden la soo shir tagay ciyaaryahan dhallin yar oo ka qaybgalayey ciyaarha caalamiga ee Junior ka. Orodka 1500m oo ahayd masaafadu uu ciyaartoygani ordayey ayaa ahayd orodka lagu khatimayey ciyaaraha habeenkaa aadna loo sugaayey maadaama ay isku arkayeen dhallin u badan Kenyan, iyo Africada kale.

Waxaa orodyahanadani muujiyeen adkaysi, iyo isticmaalka xeeladaha lagu kala hadho. Waxaana halkaa ka muuqday in orodkan oo waqti dambe la qabtay uu u baahnaa xeelado kuwa technical kaa oo aad arkaysay in Hamza Driouch uu ahaa ninka muujiyey isticmaalkeeda markuu u baahday. Waxaa lama ilaawan ah xawligii uu ku ordaayey lap kii ugu dambeeyey oo ahaa 52.7 seconds/ilbidhiqsi; arrinkan oo ka yaabin lahaa haduu goobtaa ku suganyey orodyahanki El G Kiprop.

Waxaa goobtaa ku hantay billadii Dahabka ahayd Ciyaartoyga uu tababaro Jama Aden ee Hamza. Isagoo ku hantay saacadda 3:39:04. Waxaa ka labaad baxay Sheryout oo Kenya ah, kuna orday 3:40:39, iyo Abdulhadi oo ka socday Morocco oo helay billadi Maarta kuna orday 3:40:60. Waxaa xusid mudan sida weyn ee uu Hamza uga badiyey ciyaartoyda caalamiga ee ah ee la filaayey inay si fudu u qaadan billada Dahabka.

Waxaa hubaal ah in Hamza uu noqon doono ninka beddela El G. Kiprop oo ah ninka weli record kiisu 1500m aan la gaadhin. Waxaa sidoo kale ay guushan ahayd billaddi Dahabka ee ugu horreeysay dawladda Qatar ee orrodada 1500m Juniors.

By: Issa Awaleh

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)