Ciyaarahii Goboladda Somaliland Maxaa helay, Wasiir kolba Xaflad kae ayaad Taagan tahay.

Wasiirka ciyaaraha ayaad arkaysaa isagoo MACAWIS iyo GOO shaala huwan oo kolba xaflado reero ah ama suldaano taagan halkii uu dhar firfircoon ka gashan lahaa ee uu ciyaaro iyo tartan dhalinyarada u qaban qaabin lahaa.inagoo og shaqo la,aanta iyo isboorti la,aanta dadkeena haysata!
Haddaba wasiir haddad doonayso inaad noqoto WASIIRKA DAAKHILGA oo aad odaysaha iyo caleemo saarada ka qayb gasho ma xuma, lakiin dhalinyarradu waxay rabaan WASIIR dhalinyarrda la jaan qaada oo u shaqeeya oo ISBOORTIGA DALKA meel Gaadhsiiya
Talooyinkana qaado
1- Ciyaaraha gobollada oo la qabaqaabiyo
2- Tartan joogta ah oo degmooyinka laga fuliyo sida ka iskuulada sare oo kale
3- Turkiga iyo britian inaad weydiisato tababarayaal isboortiga ah oo inaga caawiya xaga turkiga
4- Sharikadaha ganacsi oo isboortiga ka qayb qaata
Illahay hawshaada hakusoo jeediyo
Cali xaamud




Recent Comments