Arday 29 Jeer u Fadhiistay Imtixaan Xisaab ah si uu ugu Gudbo Darajada ugu Sarraysa ee A-da

Arday u dhashay dalka Ingiriiska ayaa loo oggolaaday 29 jeer inuu u fadhiisto imtixaan xisaab ah si uu ugu guulaysto, una gaadho derejada ugu sarraysa ee A-da, isagoo ku arrintaasna si buuxda u gaadhay shalay.
Madaxa guddida imtixanaadka dugsiga AQA ee dalka Ingiriiska Mr. Andrew Hall, ayaa ardaygaas ku tilmaamay mid tusaale fiican u ah qof kastoo doonaya inuu hankiisa ku guulaysto, sida uu u sheegay wargeyska Sunday Times.
Ardaygan ayaa hore u fadhiistay 28 imtixaan oo doonayey inuu ku gaadho darajada A-da oo aad u adag in la gaadho maadada xisaabta, waxana dirqi loogu oggolaaday markii 29aad oo uu ku guulaystay derejada A-da ee uu muddada dheer u samrayey.
Ururka Tacliinta ee Westiminster Education Forum ee England, ayaa sheegay toddobaadkii hore in imtixaannada dib loogu fadhiistay ay dhaawac ku keenayso sugnaantii imtixaanka iyo aaminaddii loo hayey hababka loo qaado, iyagoo mac-hadka AQA ku eedeeyey inuu ku kacay tallaabo xun.
Ardaygan oo aan magaciisa la sheegin ayaa la xusay inuu ahaa mid aad u adkaysi badan, damacsanaana inuu hamigiisa kaga dhabeeyey, isagoo ku khasbay guddida imtixanaadka ee Engaland inay u oggolaadaan inuu 29 jeer u fadhiisto imtixaan, taasoo Ingiriiska aad uga adag in dib loogu fadhiisto imtixaan hore loo qaaday.
Ibraahim khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments