telesom
logo
logo
logo
|

Dad-qal Hadh Cad Weeraray Rakaab Bas Saarnaa, Haweenayna Wejiga ka Hudhay

 

Baryahan dambe warbaahinta maxalliga ah ee waddanka Shiinaha, ayaa baahinayey warar la xidhiidha dad-qallo ku sii badanayaan dalkaas, iyadoo dhacdadii ugu dambaysay ka dhacday magaalada Wenhou, kadib markii nin dad-qal ah uu weerar ku qaaday haweenay ka mid ahayd rakaab saarnaa bas kuwa dadweynaha ah, dabadeedna wejiga ka qaniinay.

 Warbaahinta maxaliga ah oo ninkan dad-qalka ah magaciisa ku sheegtay Dong, waxa kale oo ay baahiyeen inuu aad u cabsanaa, kadibna uu joojiyey bas dhex maraayey magaalada Wenhou oo ku taala Koonfurta bari ee dalka Shiiha, halkaasna uu ku weeraray gabadh ka mid ahayd rakaabkii baska.

Rakaabkii baska saarnaa ayaa si ba’an ugu qayliyey, balse Dong waxa uu wejiga ka qaniinay ruux dumar ah oo magaceeda la yidhaa Du, waxaannu isku dayey inuu bartilmaameedsado qof kale oo rakaabka ka tirsan, balse waxa iska caabiyey qaar ka mid ah dadkii baska saarnaa.

Ciidammada bilayska oo si deg deg ah u soo gaadhay baskaa dad-qalku weeraray ayaa Dong ku dabay shabag, kadibna xidhay.

Du waxa loola cararay cusbitaalka, waxaanay dhakhaatiirtu caddeeyeen inay u baahan tahay qalliin lagu hagaajiyo sanka iyo dabnaha oo uu goostay dad-qalku.

TogdheerNews..Hargaysa.

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)