telesom
logo
logo
logo
|

Magaaladii Ugu Horraysay ee Israa’iil Lagaga Mabnuuco Cabitaanka Khamriga.

 

 

Maamulka magaalada Be’er Sheve oo ka tirsan degannada Israel, ayaa soo saaray sharci shacabka magaaladaas dega lagaga mabnuucaayo inay cabaan khamriga inta u dhaxaysa 9 habeenimo ilaa 6subaxnimo, iyadoo aan xata cudur daar loo eegayn.

Khamrigan Be’ersheve laga mabnuucay ayaa ka dhigaya magaaladii ugu horraysay ee Israel laga mabnuuco khamriga.

Sharcigan laga soo saaray cabitaanka khamriga ayaa si cad u xaraan uga dhigayaa in qofku dadka dhexdiisa ku cabo waqti kasta haddii uu qoyskiisa la joogiyo amma dadka uu la nool yahay u ogoladaan.

Arrintan ayaa aad uga cadhaysiisay shirkadaha soo saara kharmiga iyo dadka caadaystay cabitaankiisa, iyaga oo ku dhawaaqay inay mudaharaad ka dhigi doonaan magaaladaas.

Maamulka dawladda hoose ee Be’ersheve waxay iyaguna ku adkaysteen in tallaabo laga qaadi doono wixii iminka ka dambeeya qof kasta oo jebiya sharcigaas cusub.

TogdheerNews..Hargaysa.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)