Guddiyada Barakacayaasha Hargeysa oo Tababar Loo Furay.

Hargeysa (Togdheernews)- Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal Aadamaha Qaranka Marwo Aamina Cabdillaahi Axmed, ayaa Guddiyo ka kala socday xarumaha barakacayaasha Hargeysa u furtay tababar lagu baran doono xad-gudubyada ku salaysan jinsiga iyo ka hortagooda.
Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa maanta ka bilaabmay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Xuquuqal-insaanka Qaranka Marwo Aamina, hay’adda DRC, Xafiiska Bulsho Kaab iyo xubnaha tababarkan loo qaybtay.
Tababarkan waxa maalgelisay hay’adda DRC, isla markaana waxa fulinaya Guddida Xuquuqal-insaanka qaranka.
Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha Qaranka Marwo Aamina Cabdillaahi Axmed oo ugu horrayn halkaas ka hadashay, ayaa u mahadnaqday ka soo qaybgalayaasha tababarkan, iyadoo sheegtay in tababarkan ku saabsan yahay sidii loo daryeeli lahaa qoysaska Somaliland.
“Muddo dheer baannu baadhitaan samaynaynay oo meelaha dadka danyarta ah joogaan aannu tegaynay, dhibaatooyin aad u farabadan baannu ka aragnay, kuwaasoo taabanaya amma saamaynta ugu weyn ku samaynayaan hablaha yar yar oo waxyeelada ugu weyni ku dhacaydo, waxa kale oo waxyeeladu ku dhacayda carruurta, inta badana meesha dhibaatadu ka imanaysaa waa qoysaska oo xaaladooda Ilaahay og yahay,” ayey tidhi Marwo Aamina oo ka hadlaysa dhibaatooyinka qoyska la soo darisa.
Guddoomiyaha xuquuqal-insaaka Qaranku, waxay ku baaqday in wax laga qabto tacadiya haweenka loo gaysto, gaar ahaan kufsiyada oo aan tallaabo adag laga qaadin ragga ku kaca, iyadoo u soo jeedisay shacabka inay dhinac uga soo wada jeestaan dadka anshax xumada kula kaca dumarka, waxaanay tidhi;“Waxaannu doonaynaa in wacyigelin loo sameeyo dhallinyarada Somaliland, dumarkuna waa hooyooyinkeen, xaasaskeenii iyo walaalaheen, waana laga xishoon jiray dumarka oo waa la daryeeli jiray dhaqanka Soomaalida, hase ahaatee haweenkii waxay noqdeen wax lagu tacadiyo oo lagu joog-joogsado.”
Mr. Muumin Xuseen Cige oo isagu ka socday hay’adda DRC, ayaa sheegay in hay’adoodu ka hawlgasho wacyigelinta iyo daryeelka dadka nugul, isagoo soo jeediyey in dhinac looga soo wada jeesto la-dagaalanka meel-ka-dhacyada ku salaysan jinsiga.
Mr.Axmed Daahir Aadan oo ka tirsan xafiiska Baahi Kaab ee ka hawlgala tacadiya haweenka lagula kaco, ayaa isagu caddeeyey in maalin kasta lagu xad-gudbo hablo aad u da yar, arrintaasina ku sii badanayso dalka, loona baahan yahay in laga hortago.
Ugu dambayntii tababarkan waxa qabanqaabiyey, isla markaana hawshiisa isku duba riday Cabdixakiim Maxamed Axmed oo ah sarkaalka guddida xuquuqda aadamaha u qaabilsan barakacayaasha iyo Ayaan Maxamuud Askar oo iyaduna arrimaha dumarka gudda u qaabilsan. Waxa kale oo xubnaha tababarkan loo qabtay si weyn u soo dhawayeen tababarka loo bilaabay oo ay tilmaameen inuu faa’iido badan u leeyahay bulshada.
Ibraahim Khadar Siciid (ibraahim2012@live.com)
Togdheernews/Hargeisa




Recent Comments