Burco: 260 Dhallinyaro ah oo ka Faa’iidaysatay Mushruuca Dhaqan-celinta
Burco (Togdhnews)- Xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey in ka badan 260 dhallinyaro ah oo ka faa’iidaystay mashruuca dhaqan-celinta da’yarta, ayaa lagu qabtay shalay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Xafladdaas waxa ka qaybgalay maamulka gobolka, madax ka socota hay’adda UNDP iyo martisharaf badan.
Mr. Maxamuud Siciid Cadaad oo ah madaxa xarunta dhallinayardan lagu soo tababaray oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi; “Dhallinyaradan oo tiradoodu ahayd 260 qof oo 26 ka mid ah yihiin gabdho waxay muddo siddeed bilood ah baranayeen waxbarsho kala duwan oo ay ka mid yihiin waxbarshada asaasiga ah, xallinta khilaafaadka iyo xirfadaha gacanta, waxana mashruucan maalgalisay hay’adda UNDP.
Dhallinyaradani markii hore waxay ahaayeen kuwo aan wax aqoon lahayn, balse wax bay barteen oo shahaadooyin ayaa la guddoonsiinayaa, taasina waxay ka dhalatay dedaalka badan ee ay sameeyeen macallimiintii wax u dhigaysay, waanan u mahad-celinayaa cid kastoo mashruucan gacan ka gaysatay.”
Mr. Maxamuud Axamed Oday oo ka socday hay’adda UNDP ee maalgaliyay mashruucan, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan sida dhallinyaradani uga faa’iidaysatay mashruucii dhaqancelinta, isla markaana korodhsadeen aqoon iyo xirfado ku shaqaystaan.
“Dhallinyaradani hawlo badan ayey ka fuliyeen magaalada oo jidad ayey dhiseen, xirafado ay ku xoogsan karaana way barteen, aadna waan ugu faraxsanahay inay maanta qaataan shahaadooyin,” ayuu yidhi Mr. Oday.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Cabdoo Axmed Aayir oo xafladdaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay mashruucan oo uu ku taliyey in aannu halkaas ku dhammaan, balse dhallinyarada kalena looga faa’iideeyo.
“Marka hore waxaan dhallinyarada kula dardaarmayaa inay ka faa’iidaystaan aqoontii ay barteen oo aanay lumin, isla markaana aanay noqon kuwo lagu khasaaray. Hay’adaha waxaan u jeedinyaa inay mashruucan sii wadaan, si ay uga faa’iidaystaan dhallinyarada kale ee aan fursadda u helin,” ayuu yidhi Badhasaabku, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay UNDP iyo cid kastoo ka qaybqaadatay hirgelinta mashruucan.
Maayir-ku-xigeenka Burco Md. Axmed Cabdi Falay, ayaa isaguna soo dhaweeyey tallaabadan oo uu ku tilmaamay mid faa’iido iyo waxtar weyn u leh bulshada gobolka oo dhan.
Ugu dambayn, waxa halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dhallinyarada ka faa’iidaystay mashrcuucaas iyo weliba koox dhallinyaro ah oo iyagu ku guulaystay tartan ciyaareed loo qabtay da’yarta reer Burco.
Gabagabadiina kooxda geeddiga nabadda iyo ururka UBAX, ayaa munaasibaddaas ku soo bandhigay masrax-riwaayadeed aad u xiiso badan oo raalligelisay ka qaybgalayaasha xafladda.
TogdheerNews..Burco




Recent Comments