Degaannada Abaaruhu ku Dhufteen ee Gobolka Saaxil oo kaalmo La gaadhsiiyay
Berbera (Togdhnews)- Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa kaalmadii ugu horreysay oo ka kooban raashin gaadhsiiyey gelinkii dambe ee shalay degaannada galbeedka iyo bariga gobolkaas oo ay ku dhufteen abaaro kulul oo sababay dhimashada laba qof.
Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil, ahna Guddoomiyaha Gurmadka Abaaraha Gobolka Mr. Khadar Cali Cilmi, ayaa ka xog-warramay xaddiga mucaawinada maamulka gobolku ugu talogalay gurmadka abaaraha culus ee ka jira bariga iyo xeebta galbeed, gaar ahaan degaannada degmada Bullaxaar oo laba ruux dhowaan ugu dhinteen nafaqo-darro iyo weliba meelaha ugu daran ee la gaadhsiin doono raashinka ay direen.
Guddoomiye Khadar Cali Cilmi oo isagoo ku sugan Berbera khadka telefoonka Jamhuuriya kula xidhiidhay xalay fiidkii, waxa uu sheegay in maamulka gobolka oo isku dhan beryahanba ku hawlanaayeen qiimaynta xaaladda abaareed ee ka taagan degaannada gobolka, isla markaana kormeer ku soo mareen wefti uu hoggaaminayey Badhasaabka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), isagoo intaa ku daray inay maamul ahaan diyaariyeen kaalmo raashin ah oo ay ugu talogaleen dadka tabaalaysan ee ku dhaqan dhulka abaaruhu naafeeyeen.
Haseyeeshee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in aanay gobol ahaan waxba ka qaban karin baaxadda dhibaatooyinka abaaruhu sababeen ee ka jirta degaannada galbeedka iyo bariga Saaxil, taas oo uu tilmaamay inay u baahan tahay gurmad heer qaran ah oo aad u ballaadhan, “Si loo badbaadiyo,” ayuu yidhi; “nolosha kumanaan qoys oo dhimasho qarka u saaran, kadib markii soo foodsaareen xaalado qallafsan oo isugu jira macaluul iyo nafaqo-darro abaaraha ka dhashay.”
Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Saaxil oo faahfaahin ka bixinayey xaddiga mucaawinada ay maamul ahaan gelinkii dambe ee shalay direen iyo degaannada la gaadhsiin doono waxa uu yidhi; “Toddobaadkii u dambeeyey maamulka gobolka ayaa kormeer ku soo maray degaannada xeebaha galbeed iyo bari ee Saaxil oo ay ka jiraan duruufo adag oo ka dhashay abaaraha. Degaannadaas waxa lagaga tegay dad aad u jilicsan oo socon kari waayey, una baahan gurmad aadaminimo oo degdeg ah.
Sidaa darteed, maamulka Gobolka Saaxil oo kaashanaya dekedda iyo dawladda hoose ee Berbera, waxaannu diyaarinay raashin dhan 600 kiish (25kg) oo isugu jira bariis iyo daqiiq, markaa waxaannu xalay (habeen hore) u dirnay tuulooyinka Beeyo-dhaadheer, Ceel-daraad, Karin iyo Gambaxo oo ku yaal xeebta bari ee gobolka 200 kiish bariis ah iyo 100 daqiiq ah.
Sidoo kale, galabta (shalay) ayaannu baabuur sida 300 kiish oo isugu jira bariis iyo daqiiq iyo 20 kartoon oo caano ah u dirnay tuulooyinka xeebta galbeed ee Geeri, Bullaxaar iyo Ceel-sheekh, berri subax (maanta) ayaana raashinkaas loo qaybin doonaa dadka tabaalaysan ee halkaas ku nool.
Meelaha aannu raashinka u dirnay waxa raacay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo wefti ka socda hay’adda Bisha Cas oo doonaya inay qiimayn ku soo sameeyaan degaannada abaaruhu saameeyeen ee Gobolka Saaxil.”
Ugu dambayn, Badhasaab-ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Gobolka Saaxil, waxa uu baaq u diray dawladda dhexe ee Somaliland, hay’adaha caalamiga, kuwa waddaniga ah, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland inay gurmad degdeg ah la gaadhaan dadka aadka u tabaalaysan ee lagaga tegay degaannada abaaraha kulul ku dhufteen.
Waxa kale oo Mr. Khadar Cali Cilmi uu sheegay in ay guddi ahaan akown lambarkiisu yahay 1136 shirkadda Dahabshiil uga fureen gurmadka abaaraha, isaga oo u soo jeediyey cid kastoo doonaysa inay ka qaybqaadato taakulaynta dadkooda dhibaataysan in wixii ay awoodi karaan ku soo hagaajin karaan akownkaas.
Geesta kale, waxa uu sheegay in ay maamul ahaan sii wadi doonaan gacan-ka-gaysashada gurmadka iyo taakulaynta dadka abaaruhu sida xun u saameeyeen ee ku dhaqan degaannada galbeedka iyo bariga Gobolka Saaxil.
Jamhuuriya.




Recent Comments