Warqad Osama Bin Laden kula Taliyey Hoggaamiyaha Al-shabaab oo la Helay
Washintong (W.Wararka)- Dukumenti laga helay gurigii Osama Bin Laden ciidammada Maraykanku ku dileen oo ku yaal dalka Pakistan, ayaa laga helay warqad uu hoggaamiyihii hre ee Al-qaacida u diray horjoogaha kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya Mr. Axmed Cabdi Aw-Maxamed (Godane), taas oo uu ku siiyey talooyin la xidhiidha dhinaca maamulka.
Qoraalkan oo ka mid ah 17 dukumenti oo ay soo bandhigtay waaxda Maraykanka u qaabilsan argagixisada (CTC), isla markaana shalay la baahiyey, waxa uu Osama Bin Laden si toos ah ugu diray madaxa kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi (Godane) oo loo yaqaan Mukhtar Abu Zubair.
Warqaddaas oo ku taariikhaysan 7-dii bishii August ee sannadkii 2010-kii waxa uu Osama kula taliyey hoggaamiyaha Al-shabaab inuu sameeyo hoggaamin wanaagsan oo dulqaad, caddaalad, samir iyo xidhiidh saaxiibnimo leh.
“Ku dhegganow dabeecad wanaagsan, saamaxaad, caddaalad, dulqaad iyo xidhiidh fiican oo aad la yeelato muwaaddiniinta,” ayaa ka mid ahaa hadallada talada ah ee Osama Bin Laden ku qoray qoraalka uu u diray hoggaamiyaha Al-shabaab.
Waaxda millateriga Maraykanka u qaabilsan argagixisada ee warka baahisay waxay qoraalkaasi ku macneeyeen inuu muujinayo sida hoggaamiyihii Al-qaacida ee la dilay ugu arkayey Soomaaliya meel fursad wanaagsan u ah mujaahidiintiisa, si ay uga dhigaan dal ay ka hawlgalaan oo maamulaan.
Togdheernews




Recent Comments