Kiniin si Fudud u Daawaynaya Fayriska HIV oo la soo Saaray iyo Saamayntiisa

Cudursida HIV ee dhaliya xannuunka dilaaga ah ee AIDS-ka, ayaa la rajaynayaa in si fudud lagu daaweeyo, kadib markii kiniinno badan lagu sameeyey tijaabo, laguna helay mid maalin kaliya la qaadanayo oo si fudud u daawayn kara fayraskaas.
Kiniinkan cusub oo la yidhaa Quad Pill oo macnaheedu yahay ‘Kiiniinkii Laban-laabnaa,’ ayaa daaha laga qaaday inuu leeyahay awood badan oo uu ku daawayn karo HIV, balse saamayn aad u fudud leeyahay marka la barbardhigo daawooyinka kale, sababta oo ah wuu ka qiimo badan yahay daawooyinka kalee lagu daaweeyo AIDS-ka.
Kiniinkani wuxuu si fudud u difaacayaa fayriska HIV, waayo cudursidahani waxa uu awood u leeyahay inuu iska caabiyo daawooyinka kala duwan ee la isku daro, waxaannu awood u leeyahay inuu ka guulayso daawooyinkaa, haseyeeshee kiniinkan cusub oo kooban daawo isku mid ah wuxuu si fudud u burburin karta fayraska dhaliya cudurka AIDS-ka.
Tijaabooyin caalami ah oo lagu daabacay wargeyska la yidhaa Lancet, ayaa lagu sheegay in kiniinkan cusub muhiim u yahay daawaynta cudurka halista ah ee HIV/AIDS oo aan hore daawo rasmi ah loogu hayn.
Mr. Paul Sax oo ku nool magaalada Brigham ee dalka Ingiriiska, kana shaqeeya cusbitaalka haweenka, waxna ka dhiga kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Harvard ee waddanka Maraykanka, isla markaana daraasad kiniinkan lagu daah-furay madax ka ahaa, ayaa yidhi; “Natiijadayadu waxay sheegaysaa arrin aad u culus si fududna daawo ahaan looga faa’iidaysan karo, taas oo maalin qudha qofka qataa uu ku dawoobaayo. Kiniinkani wuxuu awood badan siin doonaa bukaanka HIV qaba si uu uga soo kabto dhibta cudursidahani leeyahay.”
Kiniinkan ayaa ka kooban daroogooyinka la yidhaa Elvetegravir, Cobicistat, Emtricitabine iyo Tenefovir Disoproxil, waxana sameeyey xarunta daawooyinka ee la yidhaa Gilead Sciences.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments