Hooyo ku Mashquushay Sheekaysi Internet-ka oo Maalin Kadib Ogaatay Geerida ilmaheeda
Haweenay u dhalatay dalka Jabbaan, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii laga war-helay ilmaheeda oo geeriyooday, iyadoo ku mashquulsan xidhiidho ay khadka internet-ka kula samaynsay dad kale.
Gabadhan oo la yidhaa Yumiko Takahashi, ayaa ka warheshay ilmo 19 bilood jiray oo ay dhashay maalin kadib markii uu geeriyooday, kadib markii ay kaga mashquushay isticmaalka internetka sida ay xaqiijiyeen warbaahinta maxalliga ah ee Jabbaan iyo ciidammada bilayska ee dalkaas.
Baadhitaan boolisku sameeyeen ayey ku ogaadeen in ilmaha yar oo la odhan jiray Neo geeriyooday abbaaro 2:00 duhurnimo ee June 26, 2012, halka hooyadii dhimashadiisa ogaatay subaxnimadii dambe.
Takahashi oo 29 jir ah, ayaa xabsiga loo taxaabay, waxana lagu soo oogey dambi la xidhiidha dayacaadda ilmaheeda oo la sheegay inuu u dhintay daryeel la’aanta hooyadii siduu sheegay afhayeen u hadlay bilayska magaalada Otsu oo ku taal galbeedka Jabbaan, isagoo intaa ku daray inay baadhitaan dheeraad ah ku wadaan gabadhan.
Haweenaydan ayaa ilmaheedii ugu horreeyey hore u geeriyooday dhawr casho dabadeed dhalashadiisii, halka ilmahii labaadna uu dhowaan daryeel la’aan ugaga dhintay, kadib markii uu ka dhacay qalabka la buufiyo ee hawada loo diro, sida ay hooyadaasi bilayska u xaqiijisay.
“Waxaan ku jiray hadal macaan oo internetka aan kala hadlayey dad saddex sanno xidhiidh naga dhaxeeyey, waanan niyad-jabay markaan ka war helay ilmahaygii oo si shil ah u geeriyooday,” ayey tidhi Takahashi oo ciidammada bilaysku ka duubeen cajalad baadhitaankeeda ku saabsan.
Togdheernews.com
Ibraahim Khadar Siciid




Recent Comments