SOHASCO oo Kulan ku Saabsan Tahriibka u Qabatay Dhallinyarada Burco
Burco (Togdhnews)- Kulan lagaga hadlayay dhibaatada tahriibku u leeyahay dhallinyarada oo ay ka qaybgaleen in ka badan 35 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu qabtay shalay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey ururka waddaniga ah ee SOHASCO, waxa furitaankii ka hadlay Mr. Muuse Yuusuf Kaamil oo ka mid masuuliyiinta ururkaas, kaasoo ka warbixiyey ujeeddada kulankaas, waxaannu yidhi; “Kulankani waxa muhiimaddiisu tahay sidii dhallinyarada looga wacyigalin lahaa khatarta tahriibta, loona ogaan lahaa arrimaha dhallinyarada ku dhaliya inay naftooda ku biimeeyaan tahriibta, si looga hortago dhibaatada tahriibta.”
Xildhibaan Cabdrisaaq Maxamed Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Burco, ayaa tahriibta ku tilmaamay wax aan wanaagsanayn oo u baahan in dhallinyaradu ka fogaato, lagana wacyigaliyo.
“Horta haddaad tahriib maqasho waa tuugo ama qof si khaldan u soconaya oo marin khaladan maraya, dalka uu tagayana si tuugo ah u galaya. Tuugadu wax fiican maaha, waliba tuugadii waxay dheeraatay waa wax naftaadii halis galinaya, adigoo labaatan jir ah in risiqa Eebbe dartii naftaada u halagtaana ma habboona, waxaanan idinku wacyigalinayaa inaaad maankiina ka saartaan tahriibta oo la aamino dhulkeenan,” ayuu xildhibaanku yidhi, isagoo u mahad-celiyay ururka SOHASCO ee kulanka soo qabanqaabiyey.
Taliye-ku-xigeenka Laanta Socdaalka ee Gobolka Togdheer Mr. Farxaan Ismaaciil Cali oo kulankaas ka hadlay, ayaa xusay in Togdheer yahay meesha ugu badan ee tahriibayaashu maraan, kuwaasoo qaar ba dhinac u jeedaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan uga mahad-celinayaa ururka SOHASCO inay asiibeen kulankan inay ku qabtaan meeshii ku habboonayd ee looga baahnaa, isla markaana xoogga la saaro wacyigalin badan oo bulshada looga digayo dhibka tahriibka.”
Waxa kale oo kulankan ka hadlay xubno isugu jira cuqaal, dhallinyaro iyo waxgarad, kuwaasoo dhammaantood da’yarta uga digay inay nafooda halis galiyaan.
Kulankan oo uu fuliyey urrurka SOHASCO, waxa maalgalisay hay’adda caalamiga ah IOM.
TogdheerNews..Burco




Recent Comments