telesom
logo
logo
logo
|

TOGDHEER: In ka badan 2700-arday oo u fadhiistay Imtixaankii Shahaadiga.

 

Burco-(Togdhnews)- In ka badan 2700-arday, oo isugu jira Ardaydda Fasaladda 4 aad iyo Dugsiyadda kuwa fasalada 8 aad ee dugsiyadda dhexe ee gobolka Togdheer, ayaa maanta si rasmi ah ugau fadhiistay Imtixaankii Shahaadiga ahaa.

Gudoomiyaha Waxbarashadda gobolka Togdheer Cabdi Axmed  Siciid , ayaa  ka hadlay sidda uu imtixaanku ugu bilaabmay gooblka islamarkaana  ardayda  u fadhiisatay  imtixaanka ay  ka badan yihiin  kuwii   sanadkii  hore    “ Gobolka togdheer   maanta  si rasmi  ayuu  uga bilaabmay  imtixaankii  shahaadiga  ahaa,  waxaana   tirade  ardayada  fasalada  afraad  ee dugsiyada  sare  ee u fadhiistay  imtixaanka  ay  dhan yihiin  661-Arday  ,  halka  aradayda  fasalada  sideedaad  ee  dugsiyada  dhexe    ay  yihiin 2058 –Araday,  kuwaas  oo isugu jira  wiilal iyo  gabdho .” Ayuu yidhi.  Waxa uu  intaas ku  daray  Gudoomiyuhu  in   goobaha  imtixaanku  ka  furmay  ay   yihiin  15-goobood  oo gudaha magaalada  iyo  12 –goobood oo dibada  ah, waxaanu  xusay   in tirada ardayda sanadkani  ka badan tahay    kuwii  sanadkii  hore .

Fadxiya Dubad Maxamed oo ah kormeeraha guud Imtixaanaadka  Sanadkan ee   gooblka Togdheer, ayaa sheegtay in imtixaanaddu u bilaabmeen sidii loogu tala galay. “  Goobaha  imtixaanku  ka bilaabmay   saaka  waanu  soo  wada marnay , si wanaagsana  wuu  uga socdaa, waxa dhibaato  ahi ma jiraan.”Ayay tidhi.

Waxa  fadxiya  u mahad celisay    Wasiirada  waxbarashada    oo  ay ku tilmaantay  in  markasta  ku hawlan tahay  horumarinta  waxbarshada  dalka, waxa  kale  oo ay u mahad celisay   gudoomiyaha  imtixaanaadka  Somaliland  iyo  gudoomiyaha  waxbarshada  togdheer. Waxayna ugu dambayntii  ugu  ducaysay  ardayda  u fadhiistay  imtixaanka  kuwo  guulaysta.

Sidoo kale, Axmed  Gahayr oo ka midda  Masuuliyiinta Imtixaanadka  , gaar   ahaan qaybta   Sayniska   ayaa xusay in imtixaanku si wanaagsan oo Nabad galyo ah ku bilaambay una  socdo  si Habsami ah.

Imtixaankan   oo socon doona muddo lix cisho   ah   ,  ayaa   goobaha uu ka furmay  imtixaanku  waxa kormeer ku soo maray Badhasaabka   gobolka Togdheer   Cabdoo   Axmed   Aayir, kaasoo ugu  kuur galayay  Xaaladda   iyo Habka uu   imtixaanku

TogdheerNews..Burco

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)