telesom
logo
logo
logo
|

Md. C/raxmaan Ciro oo ay weheliyaan Xubno Miisaan culus leh oo ku sii jeeda Madsha shirka Daallo Iyo Wararkii u Dambeeyay.

 

Burco(Togdhnews)-  Guddomiyaha   wakiiladda   Somaliland   Md.  Cabdi raxmaan  Ciro  ,  oo  la filayaa inuu  maalmaha   soo socda   uu gaadho  shirweynaha   beelaha  HY  uga  socda  buurta Daallo  ee  magaalada  Ceerigaabo , sida  ay  xajiijiyeen   ilo xogogaal  oo ku  dhow  gudoomiyaha.

Md . Ciro  ayaa   wararku    sheegayaan  in  safarkiisa  ku   wahelin  doonaan    xubno   miisan culusleh ,oo  ka soo  jeeda  beesha  uu shirku  u furmay ,  haseyeeshee  si  cad looma   sheegin  wakhtiga uu   gudoomiyuhu  u  dhaqaaqi doona  dhinaca  shirka  Ceerigaabo , balse waxa   wararku  xuseen  in todobaadkan  gudihiisa  loo malaynayo  inuu   u ambabaxo.

Shirka   ka  socda   buurta  Daallo  ee  maalintii  shalay u furmay  beelahaasi , ayaa  waxa   ku sugan xubno  isugu  jira  Siyaasiyiin , aqoonyahano , Madaxdhaqameedyo ,   haween , culima,udiin.

Sidoo  kale,  Gudoomiyaha  ururka Ummada   Dr. Gaboose  ayaa galabnimadii shalay  gaadhay  magaalada  ceerigaabo, halka  wasiirka daakhaliga Somaliland , wasiirka  X/xoolaha  , xildh.Waabeeyo ,  wasiir  ku xigeenka  Wasaarada Caafimaadka  iyo  gudoomiyaha baanka   Somaliland   ay  hada joogaan  magaalada  ceerigaabo , iyagoo   ilaa  hada   qoobka  galin  madasha  shirku  ka furmay ee Daallo.

Kooxdan  ka socota  xukuumada   madaxweyne  Siilaanyo , oo  markii  hore   beesha  shirku  u furmay ku eedayn jirtay   inay  ka soo  horjeedaan  qabsoomida  shirka ,ayaan  ilaa hada  la ogayn sababta  ay  wakhtigan  u  tageen  Ceerigaabo , madaama  ay ku guuldaraysteen  baajinta  shirkaasi.

Shirka  ka  furmay   buurta  Daallo  , ayaa   la sheegay  inay  hada  ku sugan   yihiin dhamaantood  ergooyinkii  laga  soo xulay    tusmooyinka  beeshu  ka kooban  tahay , islamarkaana  aan  wali  si rasmi ah   shirku  u guda galin    ajandayaashii  shirka  ee  waxa  maanta  iyo beri  loo qoondeeyay  sida  wararku sheegayaan in  la sameeyo  ducooyin  iyo  alla Bari.

Sidoo  kale  , furitaankii  shirka  ee maalintii  shalay  , ayaa madaxdhaqameedkii  ka  hadlay   soo qadimeen  in  cidkasta  oo  ka mid  ah  beesha  oo ka qaybgalaysa  shirka  ,ay reeban  tahay   sheegashada  mansab siyaasi  ah  ka uu doono  ha noqdee, lana ogol yahay  oo  kaliya   xilalka  dhaqan ee beeshu  leedahay.

TogdheerNews..Hargaysa,

1 Comment for “Md. C/raxmaan Ciro oo ay weheliyaan Xubno Miisaan culus leh oo ku sii jeeda Madsha shirka Daallo Iyo Wararkii u Dambeeyay.”

  1. SHAAGLE LAGA BAQAY!

    MARKA HOREBA WUXUU CIRRO RABAY IN AANUU REERKA DHABQININ SHIRKIISA OO AY U MADAXBANNAANAADAAN UNA DHAMMAADAAN EE WAY KU HABOON TAHAY HADDA IN UU TAGAA MAR HADDII DHINAC LA ISUGU BAYDHAY.

    HY haday sannadkaa maanta wax rabto ha isku raacdo nin ummadda kale ogoshahay oo haybaddii, dulqaadkii, maskaxdii, deganaanshihii, gacantii, taladii, magacii, milgihi, mamuuskii hy lh isla markaana khibrad hogaamineed, miyir iyo hayinnimo Illaahay isugu daray,leh. Eeg hada qaarbaa i odhandoona Cirraa ula jeeddaaye! Naw, dee kii kalee aan intaa lahayn meeshaba maxaa keenaya! Allaw dhaw!

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)