Tuugadii ugu Casrisanayd ee ka Dhacda Gudaha Somaliland
Tuuggan ayaa riyaha magaalada Hargeysa ku xadi jiray baabuur nooca loo yaqaan Mark II oo uu ka sii kirsan jiray kiroolayaasha ka shaqaysta istaannada caasimadda, isagoo lacag dhan $20 dollar gelin kaga qaadan jiray, kadibna intuu magaalada dhexmaro riyaha dagan kolba xabbad ku ridi jiray, sayladdana u iibgeyn jiray.
Dadka caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ku dhaqan, ayaa riyahooda iska sii daaya, iyagoon wax cabsi ah ka qabin la xado amma ay lumaan, sababta oo ah waxay ku barteen riyaha balladiga ah inay iska soo xaroodaan.
Ninkan oo aad deggan xaafadda Shacabka wareeriyey, ayaa cabsi weyn ku abuuray dadweynaha xoolaha ku dhex dhaqda magaalooyinka, isagoo lacag aad u fiican ku dhufan jiray, sababtoo ah sayladda adhiga neefkiisa ugu qaalisan waxa laga siistaa lacag dhan $70 doollar oo u dhigana 47,8000 Somaliland shillings, halka neefka ugu hooseeya ee la yidhaa jaqiiqda la siiyo $43 – una dhiganta 294,000 Somaliland shilling ah.
Tuuggan xeeladda cajiibkaa isticmaalayey, ayaa kashifmay, kadib markii shacabka Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Shacabka dadka ku dhaqan ay in badan iswaydiiyeen cidda riyahooda xadda, kadibna u kuurgaleen, sidaasna lagu qabtay tuuggaas farsamada cusub isticmaalay, haatanna xabsiga ayuu ku jiraa.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews





Recent Comments