Gabadh Sababo aan la Garanayn Gacmaha uga Jartay Ilmo Yar oo ay Ayeeyo u Tahay
Haweenay da’ ah oo u dhalatay dalka Shiinaha, ayaa gacmaha ka jartay ilmo yar oo siddeed bilood jiray oo ay ayeeyo u tahay, kaasoo waqtigan cusbitaalka lagu daawaynayo.
Dhacdadan ayaa timi, kadib markii ilmahan lagaga tegay ayeeydood, waalidkii dhalayna shaqo ugu baxeen meel ku taal Gobolka Shandong ee dalka Shiinaha.
Ujeeddada ay ilmahan yar gacmaha uga jartay ayaan ilaa hadda caddayn, balse ilmahan yar ayaa miyir la’aan ku jira ilaa hadda.
Dad la jaar ah oo warbaahinta Shiinuhu soo xigatay, ayaa sheegay inay dhacdadan ka war heleen waqti ilmahan yar hooyadii cusbitaalka ula carareen.
“Waxaan arkay hooyada ilmahan oo guriga sii galaysay, iyada oo shaqo subaxnimadii hore ugu baxday, balse 10 daqiiqo kadib waxay la soo booday ilmaheeda oo dhiig ka da’aayo, gacmo mabuu lahayn ilmuhu. Hooyadii waxay ugu yeedhay aabbihii si uu gacmaha laga jaray uu ugu soo qaado, waxana iyadoo dhawaaqaysa u sheegaysay in ilmaha gacmaha ay ka jartay hooyadeed, taas oo iyadlafteeduna isku dayday inay is-disho,” ayuu yidhi mid ka mid ah jaarka oo u waramaayey warbaahinta maxaliga ah ee Shiinaha.
Ilaa waqtigan ma cadda in dhakhaatiirtu ilmaha yar gacmaha dib ugu hagaajiyreen, kadib markay ku sameeyeen qalliin qaatay 12 saacadood oo ay isku dayaayeen inay gacmaha dib ugu dhejiyaan. Haddii hawlgalka qalliinka lagu guulaysto waxay u egtahay in ilmahan yar u baahan doono hawlgal dheeraad ah.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments