telesom
logo
logo
logo
|

SIRTA SHEEKADA ! By: MM.Kastan

Maxay Waayeen?

Nin curyaan ah ayaa arkay nin indhoole ah.

Ninkii curyaanka ahaa, wuxuu ku kii indhoolaha ahaa yidhi, maxaad ka qabtaa haddaad i siddo, aniguna aan kuu tilmaamo waddada oon sidaa magaalada ku gaadhno?

Indhoolihii ayaa ku jawaabay, waa sax.

Sidaa ayey ku dhaqaaqeen, kadibna curyaankii ayaa indhoolihii ku yidhi i dhig. Dhowr daqiiqadood dabadeed ayuu ku soo laabtay. Indhoolihii ayaa ku yidhi, xaggeed qabatay?

Curyaankii wuxuu ku yidhi, kiish geed hoos yaal ayaan arkay, markii aan soo qaadayna dahab ayaa iga soo baxay.

Waqti yar kadib waxay isku qabsadeen dahabkii.

Indhoolihii wuxuu curyaankii uu ku yidhi, haddaan ku sidi lahaa xilligan halkan maad soo gaadheen.

Curyaankii wuxuu ku adkaystay, anigaa arkay oo leh, waxna kaama siinayo, dhinaca kalena waan kala danaysanaynay.

Iyagoo arrinkooda sidaa jiq u yahay waxa soo agmaray nin oo ku yidhi, maxaad isku haysaan?

Markuu ku daalay ugu dambeyntii wuu isaga dhaqaajiyey.

Waqti yar kadib waxa soo ag maray nin kale oo ku yidhi, maxaad isku haysataan? Markii ay u sheegeen waxa uu ku yidhi, mee dahbkii?

Markii ay u dhiibeenna wuu la baxsaday, kadib markuu uu ogaaday midna indha la’yahay, ka kalena curyaan yahay.

Marka wax la isku oggolaan waayo wax walba ayaa la waayaa.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)