telesom
logo
logo
logo
|

DAAWO:Qodobadi ka soo baxay Kulankii Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo ka jeediyeen goobtaasi.

 

 

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu ahaa mid daba-socda shirkii magaalada London ku dhexmaray ergooyinka ka kala socday Soomaaliya iyo Somaliland.
 

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan inuu la kulmo madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay in kulankoodu uu daba-socda kulankii ka dhacay London ayna hore ugu sii wadayaan wadahadallada billowday.

 

Sidoo kale, Axmed Siilaanyo oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya kala shaqeeyaan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeedda, balse gooni-isu-taagga Somaliland uu yahay mid lama taabtaan ah.

Labada madaxweyne ayaa waxay isku raaceen in la taageero qodobbadii kasoo baxay shirkii ka dhacay London, lana sii wado wadahadallada u billowday, iyagoo xusay in labada guddi ay u ogolaadeen inay sii wadaan wadahadalka billowday si loo xaqiijiyo xidhiidh dhab ah oo dhexmara labada dhinac.

Heshiiska ay labada dhinac gaadheen oo ay labada madaxweyne ku saxiixnaayeen labada madaxweyne ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in shirka soo socda ee labada dhinac dhexmaraya uu ka dhaco dalka Imaaraadka Carabta.

 

Kulanka Sheekh Shariif iyo Axmed Siilaanyo ayaa sii socon doona illaa maalinta berri ah, iyadoo weli ay muuqdaan kala duwanaasho dhinaca fikirka ah,

Xigasho HOL

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)