telesom
logo
logo
logo
|

Xaaladaha ku Xeeran Xabsiga Haweenka ee Gabiley iyo Duruufaha Wehelka u ah Maxaabiista

 

 

Xaaladda xabsiga Gebilay oo laga dayriyey + duruufaha haweenka ku jiraa ku nool yihiin iyo dhaqamada yaabka leh ee laga soo weriyey

 Xaaladda haweenka ku xidhan xabsiga magalada Gebilay, ayaa laga dayriyey, kadib markii daraasiin ka mid ah dumar tiro badan oo ku jiray jeelkaas lagu sii daayey cafis uu dhowaan u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Qaar ka mid ah haweenka laga sii daayey xabsiga magaalada Gabiley, ayaa u sheegay Carraale M. Jaamac oo ka tirsan shabakadada Araweelonews oo la kulmay todobaadkan inay xaaladda nololeed iyo caafimaad ee dumarka ku jira jeelkaasi aad u liidato, isla markaana haweenka xidhan la kulmaan dhibaatooyin dhinaca daryeelka, nolosha iyo caafimaadka ah, taas oo khilaafsan shuruucda dalka ee maxaabiista iyo kuwa caalamigaba.

“Canab Guure waa hooyo xabsiga ku dhashay, waxay haystaa ilo mayar oo sannad iyo dhawr bilood jiray. Waxa laga soo xidhay dhinaca Wajaale, waxayna awoodi weyday inay kacdo nafaqa-darro darteed, mana arkaan haweenka ku jira xabsigaas dhakhtar la socda xaaladooda caafimaad. Waxay ku jiraan saddex qol oo yaryar, waxayna u rasaysan yihiin sida raashinka. Saddexda waqti waxa la siiyaa subaxdii xabbad roodhi ah iyo shaah, waana ta ugu fiican, duhurkiina waxa la siiyaa malqaacad bariis ah oo cad, habeenkiina malaqaacad garaw ah, manaanu arag muddadii aannu jeelkaas ku jirnay maalin keliya hilib ama oon xoolaad, waxana xoolaha xabsiga loogu talogalay ee lagu caawiyo ama haya’dduhu siiyaan iska maamusha oo dhaqda masuulka xabsiga oo lagu magcaabo, kaas oo garawga maxaabiistana ku quudiya xoolahaas oo ku xereysan xabsiga dhexdiisa.” Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah haweenka cafiska madaxweynaha kaga baxay jeelka Gabiley oo ka gaabsaday in la baahiyo magacooda sababo cabsi awgeed.

Sidoo kale, waxay sheegeen warbixinaha laga laga bixiyey xaaladda xabsiga Gabiley in haweenka askarta ah ee ka shaqeeyaa dhan yihiin 21 dumar ah, balse 6 keliya ka hawlgalaan.

 “Way adagtahay inuu qofku sannado ama xataa bilo ku noolaado malqaacad bariis ah iyo xabbad roodhi ah, wuxuuna u dhimanayaa nafaqa-darro, loomana oggola inay dhakhtar arkaan. Waxay u kala gogol waaweyn yihiin dumarka ku xabsigu siday u kala lacag badan yihiin, waxayna dhakhtar ula kulmi karaan siday u kala lacag badan yihiin. Haddii ay laba ka mid ah dumarka maxaabiista ah is khilaafaan waxa la isugu   saaraa bannaanka, waxayna haweenka askarta ah ee xabsiga haystaa dilaan oo garaacaan labadaa dumarka ah ta laga adkaado ama laga xoog roonaado. Taasi waa arrin aad u foolxun,” ayey yidhaahdeen xogaha dumarka maxaabiista hore ahaa ka bixiyeen xaaladda xabiga magaalada Gabiley ee dumarka loogu talogalay.

Waxa kaloo ay xuseen inaan wixii cabasho ah ee ay haweenka maxaabiista ahi qabaan loo gudbin, “Tusaale ahaan; Xamda Maxamed, waa gabdh haysta wiil yar oo jiray sagaal bilood, waxay ku dhashay xabsiga, Aamina Cali oo hooyo u ah Xamdana waxay kula jirtaa xabsiga, waxana ka dhammaaday xukunkii. Laakiin waxa loo hasyataa ganaax dhawr milyan oo Somaliland shillin ah. Dhawr goor ayaannu isku daynay inaannu xaaladooda ka hadalno, annagoo illowsa taayada, hase ahaatee waxa diiday inay gudbiyaan cabashadooda haweenayda xabsiga haysata. Sidaa darteed, waad qiyaasi kartaa dadka maatada ah ee noocaas ah ee ubadka yaryar haysta iyo nolosha ay ku nool yihiin.”

Ma aha markii u horreysay ee xabsiga haweenka ee magaalada Gebilay laga dayriyo xaaladdiisaa iyo hab-dhaqanka dumarka askarta ah ula dhaqmaan maxaabiista, balse dhawrkii sannadood ee u dambeeyay waxa ka jiray cabashooyin soo taxnaa ilaa xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, isla markaana aanay waxba ka qaban xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee waqtigan, waxana dhammaadkii bishii September ee sannadkii  2011 ku geeritootay xabsigaas marxuumad Sahra Biixi Shire, taas oo dayac iyo darxumo u dhimatay, kadib markii xaalad nafaqo-darro soo wajahday, eheladeeduna ku warheleen markii la aasay dabadeed.

Sidoo kale, badhatmihii sannadkii 2010, waxa ku geeriyootay xabsiga iyadoo katiinadaysan maxruumad Ilaahan oo ka mid ahayd koox dad ah oo guddidii nabadgelyada ee xukuumaddii Maxadweyne Rayaale xabsiga u taxaabeen xilligaas.

Haweenayda maamusha xabsiga dumar magaalada Gebilay oo lagu magcaabo Fadxiya Xaaji Cumar ayaannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay iyadoo joogta Gebilay si wax looga weydiiyo eedaha loo jeediyay ee la xidhiidha qaabka ay u maamusho qaybta haweenka ee jeelka, maadaama si gaara warbixintu u khusayso masuuliyadeeda. Haseyeeshee, waxay ku dooday inaan ka hadlayn arrintaas.

Taliye-ku-xigeenka xabsiga oo lagu magacaabo Caydaruus oo isagana weriyuhu isku dayey inuu la xidhiidho, ayaanay u suurtogelin inuu telefoon ku helo.

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)