telesom
logo
logo
logo
|

Dhammaystirka Siyaasadda Naafadda Somaliland oo la Iclaamiyey

Siyaasadda qaranka ee la doonayo in lagu maamulo naafada dalka Somaliland oo in muddo ah laga shaqaynayey, ayaa markii u horreysay dhamaystirkeeda lagu dhawaaqay.

Shirka ballaadhan oo shalay lagu qabtay huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed, masuuliyiin ka socday wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Warfaafinta, wakiillo matalayey hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada naafada iyo aqoonyahanno iyo marti sharaf ka kala socotay qaybaha bulshada, ayaa laga iclaamiyey dhammaystirka siyaasaddan oo muddo dhawr sannadood ah la waday, kaas oo maalgelinaysay hay’adda Handicap International, fulinteedana ay ka wada qaybqaateen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ururka Disablity Action Network (DAN) iyo Dallada ururrada naafada Somaliland ee SNDF.

Agaasimaha ururka DAN Cali Jaamac Xasan oo ugu horreyn shirkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey siyaasadda naafada ee qoraalkeeda la dhammaystiray iyo weliba heerarkii ay soo martay oo uu xusay in sannadkii 2008-dii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda DRC bilaabeen nuqulkii u horreeyey ee siyaasadda naafada, kaas oo ku koobnaa baahiyaha naafada iyo sidii wax looga qaban lahaa, kadibna sannadkii 2011-kii ururkooda DAN oo kaashanaya hay’adda Handicap International dib-u-eegis ku sameeyey.

“Shirar aannu u qabanay dib-u-eegista ayaa dadkii ka qaybgalay wax badan oo waafi ka dhigay siyaasaddan ku daray oo aynu rajaynayno in dadka naafada ah wixii loo qaban lahaa aan waxba laga tegin, iyadoo weliba dad kale oo khubaro ah oo qaarkood naafo aan dalka joojin ahaa ay wax ku kordhiyeen ayey soo marty siyaasaddani. Maantana waxaynu isugu nimi nuqulkii u dambeeyey ee siyaasaddii naafadda ah oo hufan oo wax allaale wixii qodax ku jiray laga saaray oo aan isleeyahay halkii ugu dambaysay ayey gaadhsiisan tahay,” ayuu yidhi Cali Jaamac, waxaannu intaa raaciyey, “Siyaasaddii iclaaminay laakiin waxa ka sii wayn sidii guntiga dhiisha la iskaga dhigi lahaa fulinteeda, waxaan dhiirigelinayaa in siyaasaddaa masuuliyad weyn la iska saaro in sidii loo hirgelin lahaa ee aanay u noqon lahayn warqad aynu iska qornay uun.”

Sarkaal ka socday hay’adda Handicap International Axmed Nuur Shire oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey dhammaystirka siyaasadda naafada, isagoo sheegay in loo huray waqti, maal iyo xoogba sidii ay u hirgeli lahayd.

“Waxa muhiim ah sidii siyaasadan meel looga soo wada jeedsan lahaa oo ay ugu horreyso in la faafiyo oo warbaahinta la baahiyo, in la qaybiyo buugaagta, waxaan ku bogaadinayaa wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaalin weyn ka qaadatay siyaasaddan. Ma jiraan wax la yidhaa naafo ee waa dad wax inala qabsan kara, waxaanna rajaynaa in aynu reer Somaliland ahaan aqoonsan doono kaalinta ay leeyihiin iyo horumarka ay ku samayn karaan bulshadeena,” ayuu yidhi Axmed Nuur Shire.

Guddoomiyaha Dallada Naafada ee SNDF Maxamed Aadan, ayaa tilmaamay in dhaqangalka iyo fulinta siyaasaddan ay fure u tahay xukuumaddu, isagoo ka codsaday golaha wasiirrada inay u meelmariyaan sida ugu dhakhsaha badan.

Mr. Maxamed Aadan waxa uu siyaasaddan ku tilmaamay mid guul ah, “Qaran ahaan waa arrin aynu ku tilmaami karo horumar wayn, dalal badan oo adduunka ka mid ah ayaan gaadhin halkan aynu joogno ee ah in aynu siyaasad qaran leenahay. Waxa inagu waajib ah in qolo waliba dhinaceeda culays saarto sida caddaaladda, waxbarashada, caafimaadka iyo wixii la mid ah.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed oo soo gebogabeeyey shirkaasi, ayaa dhammaystirka siyaasadda naafada ku tilmaamay mid qiimo wayn u leh qaranka, waxa uu yidhi, “Waa siyaasad qiimo qaranka u leh oo la doonayo inay wax ka tarto, noloshoodana wax ka beddesho qayb muhiim ah oo bulshadeena ka mid ah. Sababta muddada dheer ee intaa le’eg ay u qaadatay waa muhiimada ay leedahay, waxay ka hadlaysaa waxyaabo badan oo ka mid ah dadka naafada haddii ay noqoto ka hortaga naafada oo ah waxa ugu mudan ee loo baahan yahay iyo sida loola dhaqmi lahaa sida dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo dhinac kasta oo nolosha bini’aadamka,”

Agaasimuhu waxa uu sheegay in tallaabooyin dhawr ahi u baahan yihiin dhaqangelinta siyaasadda oo ay ka mid yihiin in luuqada Af-soomaaliga lagu turjumo, in la horgeeyo golaha wasiirrada oo uu ballanqaaday inay door weyn ka qaadan doonaan sidii ay u ansixin lahaayeen iyo weliba in markaa kadib loo sameeyo qorshe lagu dhaqangeliyo, isagoo u rajeeyey in siyaasaddani noqon doonto mid horumarisa dadka naafada ah ee loo sameeyey.

Waxa kale oo iyaguna shirkaasi hadallo ka jeediyey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Cabdillaahi Nadiif iyo Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Axmed Aadan, kuwaas oo soo dhaweeyey dhammaystirka siyaasadda naafada qaranka.

 Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)