Ergooyinkii ugu Cuslaa oo u Amababaxay Shirka Ceerigaabo ee Furmaya Maalinta Jimcaha.
Burco (Togdhnews)- Ergooyin aad u tiro badan oo ka qaybgalaya shirka beelaha HY ,ee ka furmaya Buurta DAALLo ee gobolka Sanaag 29-juun , ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer.
Ergooyinkan oo ka kala socda degaamada Hargaysa, Oodweyne , Saaxil iyo Togdheer , oo isugu jira madaxdhaqameed , Siyaasiyiin , aqoonyahano, qurbajoog iyo haween, ayaa la filayaa inay maalinta berito ah gaadhaan magaalada ceerigaabo, halkaasoo si weyn looga diyaargaroobay soo dhaweynta ergadaasi.
Sidoo kale, qabanqaabadii iyo diyaargarowgii shirkaasi ayaa la sheegay inay dhamaatay islamarkaana uu shirkaasi si rasmi ah u furmi doono maalinta Jimacaha ee bishu tahay 29-Juun.
Ergooyinkan waxay noqonaya kuwii ugu badnaa ee ku citima madasha shirkaasi ka furmayo ee Buurta Daallo.
TogdheerNews..Burco




Recent Comments