Abu Dhabi: Laba Qof oo Sheegay inay Dhibaatooyinka Jacaylka Sixir ku Dawaynayaan

Bilayska magaalada Abu Dhabay ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa xabsiga u taxaabay laba qof oo sheegtay inay dhibaatooyinka jacaylka iyo khilafaadka dadka is-haya ku daawaynayaan sixir.
Sida lagu daabacay wargeyska Daily Gulf oo ka soo baxa dalkaas shalay, waxa la xaqiijiyey in laba qof oo Afrikan ah oo looga shakiyey inay khurafaad iyo sixir ku sameeyeen dad badan, ayaa lagu qabtay iyagoo laba qof sixray, kuna andacooday inay isu keenayeen, khilaaf ka dhex jirayna sixir ku xallinayeeen
Labadan qof ayaa dadka midkiiba ka qadanayey lacag dhan AED 50,000, taas oo u dhiganta $13,614 sida lagu ogaaday baadhitaanno qarsoon oo arrintan lagu sameeyey.
“Waxaannu helnay macluumaad xoog ah oo ku sheegaya labada nin ee magacyadooda loo soo gaabiyey Z.M oo 36 jir ah iyo M.S oo 50 jir ah ay dadka u ballanqadaayeen inay dhibaatooyinka jacayl iyo khilaafaadka ka dhex jira ku xallinayaan sixir, lammaanaha kala fogaadayna jacayl dhexdooda ka abuurayaan, kooxdii baadhitaanka loo dirayna arrintan way soo xaqiijiyeen.” Sidaa waxa wargeyska Gulf News u sheegay Kornayl Dr. Rashid Maxamed Bu Rasheed oo madax ka ah waaxda dambiyada ee magaalada Abu Dhabi.
Haweenay bilays ah oo arrintan daaha ka qaaday, ayaa xustay inay ka war heshay gabadh dhib ka dhex dhashay saygeedii oo u tagtay mid ka mid ah labadan qof ee looga shakiyey sixirka, taas oo ay u direen inay soo jarto timaha ninkeeda, kadibna sixri doonaan, xalna u noqon doonto qoyskeeda burburka ku jira.
Gabadhan booliska ah oo arrintaas dabagashay, ayaa maalintii ku xigtay iyaduna qaadatay lacag badan si ay u siiso sixiroolayaasha, kadibna wax ugu qabtaan, hawshiina way u qabteen, sidaasna way ku fashilisay dambiyada ay faraha kula jireen.
Labadan qof ayaan ilaa hadda wax xukun ah lagu ridin, iyadoo maxkamad lala tiigsan doono maalmaha soo socda.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments