Waa lagama maarmaan in Saldhig ciidan laga hirgeliyo degaanka Xudun ee gobolka Sool, gar’ahaan Bohol

Amniga degaanka ku xeeran degmada Xudun ee gobolka Sool ay ka siidaraaya malinba malinta kasii dambaysaa.Waxay Ahayd June 19, 2012 markii si arxan daro ah loogu laayeey dad shicib ah oo aan waxaba galabsan inta uu dhaxaysa Bohol iyo Gawsawayne, dilkaas oo ay fulinaayeen dad taageeraa argagixisadaa Khaatumo; ka dibna hoos galay beelo ay kaa soo jeedaan si ay isugu dhiftan beelo ood wadaag ah oo is dhalay, xidiid iyo xigaal ah,inan iyo abtigii ah, ceel iyo caws wadaag ah.
Waxa jira in ay is abaabuleen dhankaa ragaa lagaa laayeey si'ay isu difaacaan, ugana arsandaan dhankii gacaan ku dhiiglayaashu kaa soo jeedeen;Inta waxa dheer in dadkaa ku dhaqaan degaankaas ay soo fodsaartay cabsi ay ka cabsanayaan argagixisadaa ku soo korodhay degaankas in ay markale soo rogal celiso; taasu waxay keentay in gaadhigii meel marayabaa rasaas lala begsado, madaama oo dadkaa ku dhaqaan degaankaasu hubaysan yihiin. Waxa xusid mudan in gaadiidka dhulkaa maraayeey werwero, maadaamaa oo dadka shacaba ahaa kaa shakiyayaan baabuurta.
Dhanka kale Hayadihii ajaanabka ahaa ee degaankas ka hawl gelijirey ay iyana shaqadoodii wadan kariwaayeey markii laba darawaladaa gaadiidka uu wadaa ay kaa mid ahaayeen sadeexdii qof ee laa diley; sido kale Gaadhi hayada uu shaqaynaayeey ay argagixisadu kaxaysatay "gar'ahan Hayada DRC u shaqaynaayeey".
Danish Refugee Council oo ah hayada keliyaa ee degaankaas sifiican uga hawl gelijirey ba iminka u muuqataa in aysan sii
joogi kariin, shaqona ka sii qabaan kariin halkas; madamaa oo hayadanu tahay mid hadii ay dareento in yar oo amni daro ah
samaysaa shaqo jojin.
Si lo'sugo amnigaa dadka wadaniyiinta ah ee ku dhaqaan degaankas waa lagama marmaan in saldhig ciidan laga
sameeyo Magalada Bohol madamaa oo ay mar hore ciidanka qaranku fadhiisan ama saldhig ku lahaayeen, madaama oo ay
dhexdhexaad tahay. Saldhiga Bohol laga hirgeliyaa wuxu dabooli karaa amnigaa magaalooyinka, Ceelasha,
sida Dararwayne, Doclaha, Oog, Fadhiyar, God'heeli, Gawsawayne, Sabawanaag, Ceel-lahelay, SiigoDheer, Dogoble, Ceegaag, Shoodhe, Berkedaha kulaaleed, Xudun, Awrboogays,lafwayne,iyo labada ban ee Bancade iyo Karaman, togaa daad dheere iyo inta ku xeeran.
Waxa jirtey in ciidan laga qoray degaankas; Waxan amaan mudan Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Bohol kaa qortay Ciidan kaas
oo hada tababar uu soo dhamaan rabo.waxase loo baahanyahay helitaankaa xaruntii ay ku hawlgelilahaayeen oo dhamays tiran.
Maxa dhicikara hadii an saldhig lagaa samayn degaankas?
1. In dagaal ay ku kala argudanayaan beelaha Degaanks ku wadaa dhaqan dhaco.
2. In Argagixisadaa Khaatumo markale degaankaas duulaan fulaynimo ah ku soo qaado dad aan waxaba galaabsanaa ku
xansuukhdo
3. In ay doorashada Dawladaha hoose kaa qabsoomikar waydo degaankas amni daro awigeed,ay halkaasna
dadka wadaniyiintaa ah ee dhulka ku dhaqaninaa xuquuqdoodaa ku waayaan.
4. In Hayadaha Ajaanibku kaa cararaan degaanka kanaa hawl geli kariwaayaan.
5. Xasilooni daro dabaa dheeraata oo dhib ku keentaa horu socodka iyo Qadiyada Somaliland.
Guntii iyo gebegebDadka Reer Bohol waxay diyaar uu yihiin So dhowaynta Ciidankoodaa iyo dawladooda.
Somaliland ha jirto Cadowgeedunaa haa dhaco.
Naleye Adan Yusuf (ciro)




Recent Comments