telesom
logo
logo
logo
|

Raysal Wasare Gaas oo sheegay in Odoyaasha Dhaqanku kordhin karin Tirmada Baralamaanka Soomaaliya


Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in tirada baarlamaanka cusub ee la filayo in uu ka koobnaado 225 xubnood aan waxba lagu kordhinayn kaasoo ahaa qodob horey loogu heshiiyay.

Dr. Cabdiweli Gaas oo hadalkan sheegay shalay mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan caasimadda aysan laheyn go’aan ay wax kaga beddeli karaan tirada baarlamaanka balse ay leeyihiin talo in ay soo jeediyeen sida uu qeexayo dastuurka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in tirada baarlamaanka cusub ee la soo dooran doono ay ahaaneyso sideeda, isagoo intaas raaciyay in aysan jiri doonin wax go’aan ah oo ka dambeeya.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka uga socda Muqdisho ayaa dhowr maalmood ka hor soo jeediyay in la kordhiyo tirada xubnaha baarlamaanka ee ah 225 mudane laga dhigo 275 xildhibaan, iyagoo sabab uga dhigay in hal beegga wax lagu qeybinayo uusan si siman isku keeneyn.

Shirarka ka dhacay magaalada Garoowe waxa lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in la dhimo tirada baarlamaanka oo hadda ah 550 xildhibaan lagana dhigo 225 mudane.

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)