Wasiirka Daakhiliga Hadlay Isimadii Buuhoodle Ee Kooxda Khaatumo Ka Horjoogsadeen Inay Nabadeyn U Tagaan Qori-Lugud

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa shalay markii u horeysay ka hadlay dilkii saddexda qof loogu gaystay tuulada Gowsa-weyne ee duleedka degmada Gar-adag ee gobolka Saraar, waxaanu sheegay inay falkaasi geysteen dad fidmo-wadayaal ah oo diidan inay nabad ku wada noolaadaan shacbiga deegaankaasi.
Wasiir Duur, waxa uu tilmaamay inay dedaal nabadeed wadaan Madax-dhaqameedka Buuhoodle iyo Qori-lugud, isla markaana u mahad-celiyey Madax-dhaqameed isagood isku xilqaamay sidii xal looga gaadhi lahaa xurgufta labada dhinac dhex taala, ayaa sidoo kale cambaareeyay Falkii kooxda khaatumo Seeg ee uu Hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh oo Buuhoodle ku xidh-xidhay odayaal nabadayn u imanayey deegaanka Qori-lugud.
Wasiir Duur ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey xaflad uu Agaasimaha Guud ee cusub Wasaarada Daakhiligu xilka kula wareegayey, taas oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradaas ee Magaalada Hargeysa.
Ugu horayn Wasiirku isaga oo ka hadlaya arimahaas, waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-naqayaa Salaadiinta is-xilqaamay ee u baxay Nabadeynta oo iyagu hab-dhaqan inay u galaan hawshaasi u galay, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa waayeelka reer Buuhoodle ee isku xil-qaamay si ay nabadeyntaa u ajiibaan ee la kulmay carqalada nabadgalyada lagula dagaalamayo, nabada haddii cid ku degaalanta la waayo Nabad la heli maayo oo ma dhalanayso”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Waxa muuqda ifafaalo nabadeed oo labada dhinacba ah, waxaana jira dad doonaya inay la dagaalamaan nabadgalyada, waxaana ka mid ah dadkii saddexda qof ku dilay aaga Gowsa-weyne, dadkii halkaa ku dhintayna Samir Iimaan ayaanu leenahay, waxaanuna leenahay Samra, waayo nabad-baa soo dhow.
Nabada si loo carqaladeeyo inay dad aan waxba galabsan wax gaadhaan waa mid dhacda mararka qaar, laakiin dadka shacabka ah ee ay wax gaadheen waxaan ka codsanayaa inay Samraan inta nabadgalyadu halkeeda gaadhayso, intii dhimatayna Alle ha u naxariisto ayaan leeyahay”
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur),
“Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa dadkii shacabka ahaa ee ka hadlay aaga Xudun iyo Taleex ee ka xumaaday falkaa waxashnimada ah ee dadkaa dariiqa marayey lagu laayey, waxayna muujinaysaa inay labada dhinacba joogaan dad fidmo wadayaal ahi, laakiin nabada laga wada shaqeynayo lana gaadhi doono, nabaduna waa mid ka run ah shacabka oo ka run ah xukuumadda, waxaana dhiman intii ILAAHAY oo goortii uu qoray ayay dhacaysaa”.
News/Desk
Haatuf




Recent Comments