Ergooyin Ka Qaybgalaya Shirka Ceerigaabo oo Ka Baqoolay Burco

Burco(Togdhnews)-Ergooyinka ka qayb- galaya shir weynaha beelaha Habar-yoonis uga furmaya magaaladda Ceerigaabo 29-ka bishan ayaa qaybtii u horeysay ee ka socotay ergooyinka laga rabo gobolka Togdheer maanta ka ambabaxeen magaalada Burco.
Ergooyinkan maanta ka kicitimay xarunta Togdheer ee Burco oo oo iskugu jiray xildhibaano ,Aqoonyahano iyo Salaadiin oo warbaahinta faahfaahin ka sii siiyay safarkooda ayaa sheegay ergooyinka gobolka Togdheer laga rabo in ay shirkaasi ka qaybgalaan in ay dhamaantood wada gaadhi-doonaan maalmaha soosocda madasha shirkaasi ka dhacaayo ee Daalo.
“ Maanta wafti ayaanu nahay ka baxaya Burco waxaanu usoconaa shirweynaha beelaha Habar-yoonis 29-ka bisha uga furmaaya gobolka Sanaag .Waxaanan mar labaad iyo mar sedexaad halkan ka cadaynayaa shirkaasi waa shir nabadeed oo Somaliland u dan ah oo wax uu ku wanaajiyo mooyee aan mar-naba waxba ku xumaanaynin sidaa awgeed ergooyinka reer Togdheer ee shirkaasi ka qaybgalaaya anagu kuwii u horeeyay ayaanu nahay qaybihii kale-na way diyaargaroobeen waanay soo baxayaan dhamaantood,” ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladda ee gobolka Togdheer laga soo doortay oo ergooyinkan ka mid ahaa.
Suldaan Maxamed Yuusuf X. Faarax (Biish) oo isna ka mid ahaa waftigan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaanu Sanaag u tagaynaa in aanu ka qaybgalo shirka 11-cisho inaga xigaan ee ka dhacaaya gobolka Sanaag ,Inasha alaahuna waxaanu Ilaahay ka baryaynaa in shirkaasi ay ka soo baxaan ajandayaal midnimo qaran ah oo dalka iyo Somaliland-ba wax u tara “ ayuu yidhi Suldaanu.
Ismaaciil Haybe Aadan oo isna ka mid ah Aqoonyahanada gobolka Togdheer ee waftigan ayaa yidhi “Anagoo ka mid ah ergooyinka Burco ee shirkaasi ku sii jeeda ,waxaanu leenahay shirkani waa shir nabadeed ,waa shir ay beeshu isku habaynayso oo ay kaga hadlayso danaheeda gaarka ah ,waxaanu shirkaasi la mid yahay shirarkii hore ee nabada ee beelaha reer Somaliland ku qabsadeen Qorulugad ,Gar-adag iyo Dubur sidaa awgeed waxaanu leenahay cidkastoo shirkaasi si qaldan loo fahansiiyay sidaa hawla socoto,” ayuu Ismaail hadalkiisa ku soo xidhay.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay oo waftigan ka mid ahaa Muxumed Ismaaciil Jiir oo ka mid ah odayaasha reer Togdheer.
Shirweynahan Habar-yoonis uga furmaaya gobolka Sanaag oo ay maalmo yari ka hadhsan yihiin oo dhamaan gobolada ay beeshaasi degto ay ergooyin uga qaybgalidoonaan ayaa qaban-qaabadiisa magaalada Burco si weyn looga dareemay .
Mahad Faarax Cabdilaahi..Burco




Recent Comments