telesom
logo
logo
logo
|

Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Agasimayaal Guud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

 

Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.

 

Markuu La Tashaday:      Madaxda ay khusayso.

 

Markuu Ku Qancay:          In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha  Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.

 

NO
    

MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB
    

WASAARADDA LOO MAGACAABAY
    

XILKA LOO MAGACAABAY

1
    

Faysal Cali Sheekh
    

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
    

Agaasime Guud

2
    

Axmed Cumar Faahiye
    

Wasaaradda Arrimaha Gudaha
    

Agaasime Guud

3
    

Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed
    

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
    

Agaasime Guud

4
    

Saleebaan Jaamac Diiriye
    

Wasaaradda Maaliyadda
    

Agaasime Guud

5
    

Cabdirashiid Jibriil Yoonis
    

Warfaafinta iyo Wacyigelinta
    

Agaasime Guud

6
    

Mudane, Maxamed Daahir Axmed
    

Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP
    

Maareeye

 

Ujeedo: Xilka Qaadis:-

Mudane,

 

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

 

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)