Safarkii ugu Yaabka Badnaa ee Baytul Maqdas iyo Samada!

Kadib markii Nebiga(NNKHA) ay soo gaadheen dhibaatooyin faro badan oo dhinac kasta ka taabtay wuxu Ilaahay Nebigiisa (NNKHA) ugu laab qaboojiyey safar dheer oo noociisa oo kale aan hore loogu arag adduunka, wuxu ahaa safar aad u weyn oo dadkii maqlay ka yaabiyey, dhidibadana u aasay diintii iyo dacwaddii Ilaahay u igmaday Nebigiisa.
Sidii safarkani u dhacay waxa asxaabta uga warramay Nebiga (NNKHA), waxaannu ku yidhi xadiis uu Anas warinayo; “Wwaxa la ii keenay neef la yidhaao Buraaq oo faraskana ka waabsan, dameerkana ka weyn. Lugta wuxuu dhigayey meesha uu ku dhamaado arageedu. Waan fuulay ilaa uu i gaadhsiiyey masaajidka Al-qudus, waxaanan ku xidhay meel u dhow albaabka masaajidka ao ay hore ugu xidhi jireen ambiyadu gaadiidka ay wataan.
Kadib waxaan galay masaajidka oo aan ku tukaday laba ragcadood. Markii aan ka soo baxay waxa la ii keenay laba weel oo ay ku kala jiraan khamri iyo caano malakul Jibriil ayaa igu yidhi kala dooro; anna waxaan doortay caanihii. Jibriil ayaa intaa ka dib ii sheegay in aan doortay diintii saxda ahayd iyo dariiqii toosnaa.”
Nebiga (NNKHA) waxa la fuushiiyey samada oo uu kula kulmay Nebiyo aad u tiro badan oo mid kastaa soo dhoweeyey waxay isku yihiinna u sheegay, wuxuu u sii dhaafay samada sare ilaa u gaadhay meesha lagu magacaabo Sidratul Muntahaa oo Nebiga lagaga soo waajibiyey salaaaha shanta ah oo markii hore tiradoodu ahayd konton salaadood.
Markii Nebigu (SCW) ka soo noqday safarkaas wuxuu uga warramay odayaashii reerkiisa oo ay ka mid ahaayeen; Almacdam Binu Cadiyi, Camru Binu Hishaam iyo Wallid Binu Maqiira oo uu si ballaadhan ugu sharraxay waxyaabihii uu la kulmay. Hadalladii Nebigana (NNKHA) uu nimankaas u jeediyey waxa ka mid ahaa; “Xalay salaaddii Cishaa’i waxaan ku tukaday masaajidkan (Xaramka), intaa wixii ka dambeysanay waxaan tegay masaajidka Al-aqsaa oo aan kula kulamay nebiyo Ilaahay ku soo xaadiriyey sida Ibraahim, Muusa iyo Ciise oo aan ku tukiyey halkaas, kulana hadlay.”
Isla markiiba waxay weydiiyeen su’aalo door ah oo ay doonayeeen inay ku fashiliyaan hadallada Nebiga (NNKHA), waxana ka mid ahaa inuu sharrax ka bixiyo muuqaalkii qaar ka mid ah ambiyada uu arkey iyo muuqaalka guud ee masaajidka.
Markii Nebigu ka jawaabayey su’aasha ku sahabsanayd masaajidka Al-aqsaa wuxuu u sheegay inay waxogaa ku adkaatey sharraxa muuqaalka masaajidka, laakiin intaanu jawaabin ayaa Ilaahay ku caawiyey oo u soo diray Malakul Jibriil oo horkeenay sawirkii masaajidka, halkaasna wuxuu tafaasiil aad u faahfaahsan kaga bixiyey dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen, iyagana waxay ku noqotay amakaag iyo la yaab maadaama uu ka sheekeeyey waxyaabo badan oo ay ku yaqaaneen masaajidkaas.
Sidoo kale, Nebigu wuxuu uga warramay safar iyo geel ay garanayaan oo joogay amma soo socday meel ka baxsan magaalada Makka, taas oo ka mid noqotay waxyaabihii ka sii yaabiyey reer Makka markii ay la kulmeen siduu u sheegayey.
Faa’iidooyinka ku jira habeenkii Nebiga la dheelmiyey:
Dhacdadan Nebiga lagu dheelmiyey oo ahayd mid aad u qiimo badan indhaha, dadkana soo jiidatay waxaynu ka faa’iideysan karnaa qodobo badan oo muhiim ah ay kana mid yihiin:
* Kadib markii Rasuulka la soo direy waxa ka horyimi caqabado badan oo horistaagay dacwaddii u waday, laakiin dhammaantood ku dhaafay samir iyo dulqaad aad u sarreeya oo Ilaahay ugu abaalguday inuu u dheelmiyo masaafado aad u kala durugsan.
* Rasuulku (NNKHA) wuxuu gelayey marxalad cusub oo ah inuu u hijroodo meel ka baxsan magaaladiisii Makka.
* Arrintani waxa kaloo ay inoo caddaynaysaa geesinimadii Rasuulka, maadaama arrintii uu arkay isla markiiba u bandhigay kuwii ugu waaweynaa gaalada oo horeba uga soo horjeeday diinta uu waday.
* Caanaha uu cabbay ee u Jibriil ku tilmaamay inay ahaayen hanuunkiina waxay inoo caddaynaysaa in diinta islaamku tahay mid loogu talogalay dadka adduunka ku nool oo dhan.
* Salaadda uu tujiyey Nebigu ambiyadii isaga ka horreeyey waxay inoo iftiiminaysaa in dhammaantood ay u dhiibeen hoggaaminta ummada adduunka ee iyaga laftoodu muddooyinka badan ugu baaqayeen inay raacaan waddada saxda ah.
* Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya masaajidada Al-aqsaa iyo Xaramka, haddii midkood khatar galena inuu ka kalena ku jiro mid taas la mid ah.
*Ahmiydda salaaddu ku leedahay islaamka dhexdiisa Iyo inuu Rasuulku soo arkay xannuuno badan oo bulshooyinka ku dhaca iyo ciqaabta ka dhalataa nooca ay tahay. (Qaybo ka mid ah buugga siirada ee Gebagebadii Waxyiga Samada oo dhowaan soo bixi doona).
Waxa Qoray Cabdillaahi Beershiya




Recent Comments