BURCO: Hawlgal Lagu Bannaynayay Goob Geedka Garanwaagu Xidhay oo Laga Warbixiyay.
Burco (Togdhnews)- Guddiga Xoojinta Nabadda ee Degmada Burco, ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hawlgal ballaadhan oo lagu bannaynayey jiadka iyo goobo uu xidhay geedka garanwaaga loo yaqaan ee gudaha magaalada Burco.
Goobaha hawlgalka bannaynta ah ka socday muddooyinkan dambe waxa ka mid ah xaafadaha 15 May iyo Ceel-gooni, kuwaasoo uu xidhay geedka garanwaaga.
Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo Guddiga Xoojinta Nabadda kala qaybgalay kormeer ay sameeyeen shalay, ayaa warbaahinta uga warramay halkay marayso hawsha bannaynta jidadka, waxaannu sheegay inay meel aad u wanaagsan marayso, wax weynna la qabtay.
"Maanta waxaynu u soconay inaynu eegno goobihii hawsha bannaynta laga fuliyay. Xaafadda 15 May oo haatan la nadiifiyey waxay ka mid ahayd goobaha garanwaagu xidhay ee habeenkii dumarka lagu baadhan jiray, halis nabadgelyo-darrana ka taagnayd, maantana waad aragtaan sida loo banneeyay ee waddadii qof kastaaba si caadi u ah u mari karo,” ayuu yidhi xildhibaanku.
“Hawshani si wanaagsan ayey u fushay, sidoo kalena waxa laga fuliyey dhinaca Ceel-gooni, waxaanan uga mahad-celinaynaa arrintan Guddiga Xoojinta Nabadda, hay’adda DDG , bulshada xaafadaha iyo dhallinyarada ka qaybqaadatay hawshan.”
Qaar ka mid dadweynaha ku dhaqan xaafadaha laga fuliyey hawlgalka bannaynta, ayaa iyaguna si weyn u soo dhoweeyey ololahan oo ay sheegeen inuu yahay mid wax weyn u taray.
“Goobtan waxa la yidhaa Ceel-gooni, waxana xidhay geedka garanwaaga, manay jirin meel dadku maraan, waxana lagu baadhan jiray dadka oo waxay ahayd goob tuugta iyo dadka xun hoy u ahayd, halis weynna ku haysay bulshada, balse hadda waa la bannayeeyey oo cid walba way mari karaysaa, sidaa awgeed waxaan u mahad-celinaynaa cid kasta oo gacan ka gaystay hawshaas.” Sidaa waxaa yidhi Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah odayaasha ku dhaqan xaafadda Ceel-gooni ee laga fuliyay hawlgalkan.
Afhayeenka Guddiga Xoojinta Nabadda ee Burco Mr. Axmed Maxamed Xasan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hay’adaha miino-saarka ugu baaqay inay dhulka la banneeyey ka hubiyaan aaladaha qarxa, maadaama aan muddo dheer la marin.
Hawlgalkan oo ay fulinayeen Guddiga Xoojinta Nabadda ee Degmada Burco, isla markaana maalgalisay hay’adda caalamiga ah ee DDG, waxa kaloo ka hadlay xildhibaan Maxamed Ibraahim, Caaqil Nuur Haytiye iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyay ololahaas oo ay ku tilmaameen mid waxtar iyo faa’iido weyn u leh guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
TogdheerNews





Recent Comments