telesom
logo
logo
logo
|

Guri Jiray in ka Badan Lix Kun oo Sanno, Aadna uga Weyn Buuraha Ahraamta ee Masar oo la Helay

Guri taariikhi ah oo aad uga weyn buuraha Arhaamta la yidhaa ee ku yaal dalka Masar, da’diisana lagu sheegay 6,500 (lix kun iyo shan boqol) oo sannadood, ayaa laga helay magaalada Wales oo ka tirsan waddanka Boqortooyada Ingiriiska.

Seeska gurigan oo dherarkiisu ahaa 50ft, ayaa ku qarsoomay dhulka hoostiisa, iyagoo khubarada dalka Ingiriiskuna baadhitaanno iyo falanqayn badan ku sameeyeen cimrigiisa iyo ciddii lahayd gurigan, waxaanay xaqiijiyeen inuu gurigan qadiimiga ah ka samaysan yahay 3ft oo dhirta looxa adag ah. Sidaana waxa daaha ka fayday koox waday dhisme guri cusub oo ku yaal koonfurta Wales, gaar ahaan degaanka Monmouth.

Khubarada ku takhsustay cilmiga baadhitaanka waxyaabaha qadiimiga ah, ayaa shaaciyey in gurigan jiri jiray muddo aad u dheer, sidaa awgeedna ay adag tahay in si fudud lagu xisaabiyo cimrigiisa, waxaanay tibaaxeen inuu aad uga weyn yahay Arhaamtii ugu horreysay ee Masar oo la dhisay 4,500 sannadood ka hor.

“Run ahaantii ma hubno waxa uu yahay. Waa arrin cajiib ah, balse waxa la helay seeska guri ay aad u adag tahay in la garto, waayo hore umanaan arag waxa sidan oo kale ah. Waxaannu u malaynaynaa inuu yahay aqal qadiimi ah oo qoys geli jireen, una isticmaali jireen inay ku nooladaan, waxana baadhitaannada arrintan u hawlgalay khubaro badan. Waxaannu u malaynaynaa inuu jiri jiray da’dii looxa (Bronze Age), laakiin khubarada qaar ayaa sheegay inuu ka horreeyeyba.” Sidaa waxa yidhi Mr. Clarke oo ku takhasusay cilmiga baadhitaanka aataarta qaddiimka ah.

Ibraahim Khadar siciid

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)