‘Anigu Maan Rabin Isqabqabsi ee Waxaan is Tusay in Waddankaygu Hiil iiga Baahanyahay’
Hargeysa (Togdhnews)- Aqoonyahanka da’da yar Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku macneeyey sababta uu u go’aansaday inuu dadaal u galo murrashaxnimo uu ku gaadho hoggaaminta dalka Somaliland tahay sidii uu waaya-aragnimadiisa ugaga faa’iidayn lahaa si loo helo isbeddel dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.
Jamaal Cali Xuseen oo shalay hadal ka jeediyey soo dhawayn Hargeysa loogu sameeyey kadib markii uu Arbacadii ka soo degay madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera, waxa uu xusay in aannu dalka u soo doonan lacag iyo dan gaar ah toona, balse uu doonayo inuu dalkiisa u faa’iideeyo.
Xaflad ballaadhan oo loogu sameeyey huteelka Maansoor kadib markii boqolaal dadweyne ahi magaalada ku soo dhaweeyeen, taas oo ay ka qaybgaleen taageerayaal isugu jira dhammaan qaybaha bulshada iyo xubno ka tirsan Guddiga Fulinta ee UDUB, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka xisbigaasi ka dhextaagan ee ka dhashay murrashaxnimadii isaga loo doortay.
“Waad la socotaan waxa qaarada Afrika ka socda dhaqdhaqaaq aad u xooggan oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo isbeddel, dad badan oo Afrikaan ah oo dibadaha ka yimi ayaa waddamadoodii dib ugu soo noqday oo wax-u-taray, una hagaajiyey. Warkaa waayo-aragnimadaydii waddamadaa Afrika iyo caalamka aan ku wareegayey arkey iyo weliba dadka waddamadoodii ku soo noqday oo hoggaankii siyaasadda ka qayb qaatay, kadibna hoggaankii siyaasadeed isbeddlay ayaan fikiray inaan fadhiga ka kaco oo aan is tusay in waddankaygii hiil iiga bahan yahay,” ayuu yidhi Mr. Jamaal.
“Anigu horeba waan u sheegay oo meesha lacag umaan soo doonan ee waxa weeye inaan waddankayga wax u taro oo dhallinyarada dhinacooda aan ka galo, waad la socoteen oo waanigii geedi-socodkaygii siyaasaddeed aan ka bilaabay UDUB, waatii ay dhibaatooyin fara badan iyo xurguf kala jabiyey gudaha xisbiga ka bilaabmeen.”
Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay sababta keentay khilaafka xisbiga UDUB ee doonayey inuu ka bilaabo murrashanimadiisa iyo halka uu salka ku hayo.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa laysku hayey laba fikradood ee meesha qabyaaladi ma jirin, kuwaas oo kala ahaa qolo xisbiga ka tirsanayd oo leh doorashadii madaxweynaha waatii si xun la innooga guulaystey ee waxaynu u baahanahay in aynu jiil cusub iyo siyaasad cusub la nimaadno iyo koox kale oo leh waar annaga ayuun baa meesha joognee haddana waa nakan mar kale, fikradahaasi laysku khilaafay waa tii la ogaa halkii laysla maray, waana ayaan-darro in xisbigu maxkamad isla galo.”
“Runtii anigu waxaan rabay may ahayn isqabqabsi oo meesha umaan iman ee waxaan doonayey jiil cusub, weji cusub iyo xoog cusub oo waxaan is lahaa odayaashii hore oo marka xilkoodu ka dhammaado in badana ay xisbiga joogeen waa markii ay oggolaan lahayeen dadka xisbiga dardar cusub galinkara,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Jamaal Cali Xuseen.
TogdheerNews..Hargaysa




Recent Comments