telesom
logo
logo
logo
|

Xukuumadda Somaliland oo Guddi Qaran u Magacowday Wadahadallo Gogol-xaadh ah oo Dhexmara Soomaaliya

 

Hargeysa (Togdhnews)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa guddi qaran oo ka kooban shan xubnood markale u magacowday shir loogu gogol-xaadhayo wadahadallo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayo in toddobaadka dambe  lagu qabto dalka Ingiriiska.

Guddida Somaliland u magacawday la qaybgalka shirka loogu gogol-xaadhayo wadahadallo ay la yeeshaan Soomaaliya waxa xubno ka ah xisbiyada mucaaridka, baarlamaanka iyo xukuumadda, waxana guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

“Wada-tashi qaran oo ballaadhan kadib Jamhuuriyadda Somaliland waxay shirka gogol-xaadhka ah ee ugu horreeya uga qaybgeli doona:-

1- Maxamed Cabdillaahi Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, Guddoomiye

2- Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada

3- Faysal Cali-waraabe Guddoomiyaha xisbiga UCID

4- Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada

5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed magacaabista guddidaas lagu shaaciyey oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

Maaha markii u horaysay ee Somaliland guddi u magacawdo wadahadallada ay la galayso Soomaaliya, balse 7 April 2012 ayuu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay guddi shan wasiir ka kooban, guddidaas oo badankooda hadda laga tagay waxay kala ahaayeen;

1. Wasiirka Arrimaha Debedda, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Carraale (Duur)

3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

4. Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5. Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Hasayeeshee, dhaleecayn iyo naqdi badan oo guddidaas loo jeediyey, waxa Madaxweynaha Somaliland garawsaday inuu wadahadalka Soomaaliya u magacaabo guddi heer qaran ah oo mucaaridka iyo golayaasha kalee qarankuba xubno ka yihiin.

 

 TogdheerNews..Hargaysa

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)