telesom
logo
logo
logo
|

Mayihiin ergada uu Madaxweyne Siilanyo u magacaabay shirka London qaar ku haboon?

sidaynu la wada socono waxaa maalmahanba shirar is dabajooga kulahaa qasriga madaxtooyada somaliland xukuumada iyo xubno ka mida xisbiyada mucaaridka ku waas oo kaga arinsanayey sidii ay ugu xulan lahaayeen cidii u mateli lahayd ee uga qayb geli lahayd shirka la filayo inuu ka qabsoomo dhawaan wadanka ingiriiska,

hadaba is xod xodosho badan kadib waxaa laysla gartay in loo xulo shirkaas xubno kamida golaha wasiirada iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarmaanka mudane Baashe Maxamed Faarax, gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe, iyo xubnaha wasiirada ah oo ay kamid yihiin wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, wasiirka arimaha dibada Mudane Maxamed C/laahi Cumar, wasiirka qooyska iyo shaqada mudane Maxamed Axmed Garaad,
 
markii uu London ka qabsoomay shirkii ugu horeeyay ee ay ku kulmeen labada dowaladood ayaa waxaa ku jiray qodobadii shirkaas laga soo saaray qodonkiisa lixaad oo dhigayay inay wada hadalaan labada dowladood si ay isula meel dhigaan waxay ka yeelayaan qaranimadii ka dhaxayn jirtay labada dhinac ee burburtay taas oo hada laga joogo 21 sanadood, qodobka lixaad laguma faah faahin habkay u wada hadlayaan iyo waxay ka wada hadlayaan toona, keliya waxaa loo fasiray inay wada hadlaan, laakiin way iska cadayd waxa laga wada hadlayaa,

wixii shirkaas ka dan beeyay ayaa labada dhinac hawada isu marinayeen hadalo dhiif iyo xanaf badani ku dheehan tahay oo ka baxsan anshaxa siyaasada oo aanay ka muuqan sidii dad lafilayo inay ka heshiiyaan waxa dhex yaal, markii ugu horaysay ee madaxweyne sheekh shariif muqdisho ka degay ee uu shirka London kasoo laabtay ayaa waxaa la waydiiyay waxa looga jeedo wada hadla iyo qodonbka lixaad macnaha uu xanbaarsan yahay, madaxweyne sheekh shariif lama gabanba hadalkiisa waxaanu yidhi waxa laga wada hadlayaa waa midnimada somaliya iyo sidii somaliya dib loogu midayn lahaa, madaxweyne sheekh shariif muu tix gelin dhinacii kale ee wadahadalku dhex mari lahaa fikir kooda iyo inuu carabka ka dhowro waxa kala fogaynkara wada hadal dhexmara labada dhinac,

intaas ka dib waxaa sifo uu deg deg kujiro markiiba xubno wasiiro ah u magacaabay madaxweyne siilanyo isagoo aan qiimayn xukuumada TFG da waqtiga u hadhay ee kooban oo ku eg bisha sideedaad ee sanadkan kumuu xisaabtamin bal in bishaa waxa isbedalaan, somalida ayaa tidhaah ninkii geed deg deg u koraa deg deg ayuu uga soo degaa! wax yar kadib waxa uu magacaabay madaxweyne sheekh shariif 5 wasiir oo wada hadalka u matela, nasiib daro waxaa laf dhuun gashay ku noqday madaxweynaha  Puntuland c/raxmaan faroole isagoo ugu hanjabay xukuumada TFG da inaanay suuro gal ahayn waxna ka qabsoomayn shir aanay Puntuland dhex fadhiyin oo aanay markhaati ka ahayn ama goob jooge taasi waxay keentay inuu sheekh shariif kusiyaadiyo laba wasiir oo ka socda Puntuland oo asal ahaan ka soo jeeda deegaanada somaliland waxaanay keentay inay socon waydo wada hadalkii la filaayay inuu London ka dhaco waxaana meesha timid inay xukuumada somaliland ka noqoto wada hadalada dhex mari lahaa iyaga iyo xukuumada TFG da,
 
wixii intaas ka danbeeyay waxaa marba iska soo daba dhacaayay in labada xukuumadood warbaahinta isu mariyaan hadalo aan dawo aan u noqonayn kulanka lafilayo inuu dhex maro, xukuumada TFG da ee muqdisho waxay ku dadaashaa inaan marnaba aanay u muujin dhinaca kale ee somaliland inay u ogoshahay wax tanaasul ah oo ku saabsan inay qaranimadeeda u madaxbanaanaato, dhinaca somalilandna hadba markay maqlaan war duraaya madaxbanaanideeda oo ka soo yeedha dhinaca xukuumada TFG da waxay ku dadaalaysay inay ka bixiso jawaab waafiya si ay ugu qanciso shacbka somaliland ee gaadhka ka haya qaranimada iyo madaxbanaanida dalka,
 
hadaba markay inaasi jirto maxaa laga filan karaa inuu ka soo baxo kulan dhex mara labada dhinac? mase ku haboon yahay gudida somaliland u xulatay inay ku matelaan wada hadalada ka dhici doona London? waxaa kale oo isway diin mudan ma yahay waqtigani waqtigii ku haboonaa wadahadalada labada dhinac? waxaa kale oo isway diin mudan labada dhinac ee ay arintu khusaysaa ma iyagay ka soo goday inay ka wada hadlaan waxa ka dhaxeeya mise cid kale oo meesha dan sadexaad ka leh ayaa isku soo khasabtay oo culays ku saartay!?
 
hadaad sikooban uga jawaabo su,aalahan, marka ugu horaysa wada hadaladu waxay ku yimaadeen si deg deg ah oo aanay labada dhinac markii ugu horaysay aan iyaga ka dhalan wixii deg deg ku yimaadana ee aan laga fekerin waxaad kaga quusataa wixii 1960 kii inaga qabsaday!,ma iyagay kasoo goday? maya labada dhinac midna kamay soo go,in ee waa wax dibada lagaga keenay oo shisheeye watay oo dowlada ingiriisku kow ka tahay, ma ku haboontahay waqtigan inay xukuumada somaliland la hadasho xukuumada TFG da? maya kuma haboona waayo jiritaanka xukuumada TFG da waxaa ka hadhay wax ka yar laba bilood waxaana laga yaabaa inaanay dib u soo noqon oo xukuumad cusubi timaado, maxaa laga filan karaa inay ka soo baxaan? waxba lagama filan karo waayo somalida ayaa tidhaah qoolay qoor qabad biyo kuma cabto! dad aan iyagu taladu ka soo go,in oo aan howshan u diyaar ahayn oo xoog iyo culays lasaaray isugu yimid oo aragtida ku kala fog oo todobaad kiiba mar hadalo xajiin leh hawada isu marinayay inay ku sii kala fogaadaan mooyee wax natiijo lagu diirsado oo labada dhinacba ku qancaan lagama filan karo hadii aanay qolo mawqif keeda ka tanaasulin oo somali midnimadeedu waa muqadis iyo somaliland madaxbanaanideedu waa muqadis mid meesha laga tuurin waxba ka soo bixi maayaan, ma ku haboon yihiin ergeda madaxweyne siilanyo u magacaabay inay somaliland u matalaan wada hadalada? maya oo kuma haboona waayo waa rag aan wax taariikh ah ama waayo aragnimo ah u lahayn wixii dhex maray labada dal waxay runtiina siyaasada la jaan qaadeen intii ay somaliland xornimadeeda la soo noqotay oo kama dhex muuqdo shaqsi u noqda marjic ay unoqdaan ama jirid oo waayo arag siyaasadeed ah,
 
 waxaa la odhan karaa waa siyaasad aan weli bisayl keedii la gaadhin oo weli labada dhinac uma bisla inay ama kala go,aan ama dib isugu noqdaan oo maaha weli siyaasad la kar kariyay oo taagan xiligii midha heeda laguran lahaa, waayo qolada reer muqdisho iyagaa isku mash quulsanaa 21 sano welina ma miyir qabaan, reer soamlilandna iyagu hoosta ayay ka soo dhismayeen oo intaasba qaranimo marba geed soo hadhasanaysay ayay wateen ilaa ay gaadheen nidaamka xisbiyada badan, markaa labada dhinac marnaba iskagamay iman qadiyadan aadka u culus ee aan deg dega u baahnayn, hadii ay sidii dal waynihii Sudan isku haysan lahaayeen waanu idinka go,aynaa iyo naga go,imaysaan waxay maanta joogi lahaayeen meel lagu dhex dhexaadiyo oo lagu wada hadal siiyo, labada dhinacna bisayl ayay soo gaadhi lahaayeen laakiin maata waa kala duruuf labada dhinac oo wax isku aragtiya maaha.    
 
aadan axamed nuur
 
Dublin Ireland
 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)