telesom
logo
logo
logo
|

Hambalyo gudida madaxweynahu u magaacabay wadda hadaladda Somaliland iyo soomaliya

 Koley lama waayayo qaar yidhaa looma dhama ! oo jilibkayagii laguma darin waftiga iyo qaar balaayo doona lakiin waa gudi  isu dheeli tiran oo ku haboon hordhaca wadahadalda , sadeexdii xisbi iyo xukuumadii iyo barlmaankiiba waa ka muuqadaan qofkii jilibkooda ka waayoow , wufuuda kale ayyenu raacin ee ha boodin .
Haddaba  xukuumadda Somaliland ayaa magacawday shan xubnood oo uga qayb gali doona wadahadaladaHordhaca ah ee21 bishan ka qabsoomaya dalka Ingiriiska ee dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya.
Xubnaha la magacaabay waxay kala yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Bulshada Maxamud Axmed Barre Garaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland.
Boobe Yuusuf Ducaale Wasiirka Wasaaradda WarfaafintaSomaliland ayaa wadahadalada Somaliya iyo Somaliland ku tilmaamay midf dhjinaca Somaliland ay ku doonayso madax banaani, isagoo ku adkaystay inaanay gor-gortan galayn jiritaankeedu.
Boobe waxa uu sheegay wadahadaladu inay socon doonaan muddo dheer isla markaana ka ingiriisku noqon doono bilow, cida ay wax ka dhaxeeyaan ee wadahadlaysaana waxa uu sheegay inay yihiin Somaliland iyo Somaliya isagoo xusay Iskudarkii labada Dawladood inay Somaliland xageeda ka timi oo ay doonaysay shan Somaliyeed markii ay suurtogali weydayna ay dib ulanoqotay madax banaanideedii.
Muuse qarrandi

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)