telesom
logo
logo
logo
|

Magaalo Laga Mamnuucay in Dadkeedu Qayliyaan Markay Dibada ku Sugan Yihiin, Kaftan Dhaadheerna Isku Yidhaahdaan

Magaalada Massachusetts oo ka mid ah dalka Maraykanka, ayaa laga mamnuucay in shacabkeedu xoog u dhawaaqaan waqtiyada ay ku sugan yihiin goobaha la isugu yimaad amma jidadka dhexdooda.

Guddi ka mid ah xubnaha xaafadaha magaaladaas, ayaa soo saaray dhowaan sharci cusub oo carruurta iyo dadka waaweynba ka mamnuucaya inay qayliyaan, isla markaana ku kacaan waxyaabo sawaxan abuuraya xilliyada ay suuqyada iyo jidadka magaalada ku sugan yihiin ee.

Guddidani waxay sharcigan soo saareen, kadib markay iyagoo meel ku wada sugan ka cadhoodeen koox dhallinyaro ah oo sawaxan qaylo ah ka abuuray tuulo 50km dhinaca koonfureed ka xigta Massachussets, waxana bilayska magaaladaas amar lagu siiyey in qofka qayladan ku arkaan ay siiyaan tigidh muujinaya dambiga uu galay.

 “Kama hadlayno wada sheekaysiga oo kaliya, balse qaylada waddada dhexdeeda lagu sameeyo ayaa mamnuuc ah. Carruurta oo ku ciyaarta waxyaabaha qaraxa weyn leh waa arrin qayrul-masuulnimo muujinaysa, farahana way ka baxday maalmahan.” Sidaa waxa yidhi DuPhily oo 63 jir ah oo arrintan ka hadlay.

Mr. DuPhily waxa uu intaa ku daray; “Go’aankani kuma samaynayso haddaad makhaayad fadhido, balse waxay saamayn kugu leedahay haddii aad hadal ku caayeyso qof waddada ka gudbaya oo kaa fog.”

Khubarooyinka shuruucda lafagura, ayaa sheegay in arrintani koobsanayso markii ugu horreysay in wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka Maraykanka, gaar ahaan qodobadda ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah, wax-ka-beddelkanna wuxuu mamnuucayaa in la sameeyo xeerar biriish u noqonaya xuquuqda hadalka.

Waxa kaloo uu Mr. DuPhily sheegay in sharcigan la taageero, sidoo kalena ansixiyeen 183 xubnood ka tirsan guddiyada xaafaddaas oo kulan isugu yimi.

 Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)