telesom
logo
logo
logo
|

Jacaylka Aabbuhu Wuxuu Carruurta u Horseedaa Inay Horumar Gaadhaan

Daraasad cusub oo laga sameeyey waxtarta jacaylka aabbuhu u leeyahay ubadka, ayaa lagu xajiiyey in arrintaasi saamaynta ugu weyn ku yeelato shaqsiyadda carruurta iyo inay horumar ka gaadhaan nolosha.

Cilmi-baadhistan oo qayb weyn ka ahayd daraasad la fallanqaynayey oo ku saabsan awoodda waalidku siday uga qaybqaadato shaqsidda qofku markuu weynaado ay noqonayso.

“Daraasadayadan oo qaataday qarni badhkii oo aanaan hore u samayn kuwo ka xooggan oo ku saabsan saamaynta shaqsiyadda qofka iyo horumarka uu gaadho ee xagga waalidka ka yimaad ayaa na tusay in aabbuhu qayb libaax ka qaato horumarka iyo shaqsiyad-wanaagga carruurta markay weynaadaan.” Sidaa waxa yidhi Mr.Ronald Rohner oo ka socday Jaamacadda Connecticut, madaxna ka ah kooxda daraasaddan cusub soo saaray oo dalal kala duwan oo adduunka ah u dhashay.

“Carruurta iyo dadka waaweyn goob kastoo ay ku sugan yihiin, iyadoon loo eegayn midabka, dhaqanka iyo jinsiga toona ayey nooga soo baxday natiijo isku mid ah, markaannu arrintan u kuurgalaynayna waxaannu ogaanay in aabbaha jacaylkiisu meel muhiim ah ka joogo horumarka carruurta.”

Mr.Ronald Rohner oo faahfaahinayey natiijada uga soo baxday cilmi-baadhistooda, waxa uu intaa raaciyey; “Natiijooyinka nooga soo baxay daraasado ka badan 500 ayaa lagu ogaaday in saamaynta mid ka mid ah waalidku, gaar ahaan aabbuhu ay muhiim u tahay inay  wanaajiso amma xumayso shaqsiyadda qofku siday noqonayso mustaqbalka.

Kooxo ka kala socda 13 qaran oo adduunka ah, kuna kala takhsasusay cilmi-nafsiga oo iyaguna ka qaybqaatay daraasadahan ballaadhan oo muddo 50 sannadood ah socotay, ayaa sheegay in carruurta yaryar iyo dhallinyaraduba ay dareenkooda siiyaan sida waalidiintoodu ula dhaqmaan iyo sharafta ay uga tagaan. Hadday ubadku aabbahood ka dhaxlaan sharaf iyo magac waxa laga yaabaa inuu noloshooda saamayn wanaagsan ku lahaado.

 ibraahim khadar Siciid
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)