telesom
logo
logo
logo
|

Tababar loo qabtay Qaar ka mida ururada Waddaniga ah ee Laascaanod

Tababar kor loogu qaadayo aqoonta ururrada waddaniga ah ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay xarunta Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Tababarka oo uu soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada ee lagu magacaabo African Youth Voluntary Organization (AYVO) ayaa waxaa maal-gelisay hay’adda NED USA, waxaana ka qeyb galay 30 ka mid ah ururrada waddaniga ah ee ka jira gobolkaas.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada ee AYVO ee gobolka Sool Cabdiqani Cumar Xuseen oo gabagabada tababarka ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddadiisu ay tahay kor u qaadista aqoonta ay ururrada ku horumarin karaan bulshada iyo is barashada ururrada kala duwan ee ka dhisan gobolka.

Cabdiqani ayaa mahadcelin u jeediyay maamulka Jaamacadda Nugaal, isagoo ugu baaqay ururrada ka qeybgalay tababarkaas in ay uga faa’ideeyaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Nugaal Cabdinaasir Maxamed Barre oo isna seminar-ka ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijyada horumarinta bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa kaliye ee haatan lagaga saari karo dhibaatada.

Isku duwaha wasaaradda qorsheynta ee gobolka Sool ee maamulka Somaliland Sahal Barre oo gunaanudka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in ururrada seminar-ka ka qeyb qaatay ay u ballan qaadayaan in ay ka taageeri doonaan hirgelinta mashaariicda ay doonayaan in ay ka fuliyaan gobolka.

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)