telesom
logo
logo
logo
|

Mudaharaad lagu Taageerayo Shirka 29-Juun oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo.

 

 

 

Ceerigaabo(Togdhnews)- Mudaharaad ballaadhan oo lagu taageerayo qabshada shirweynaha beelaha H.yoonis ku yeelan doonaan buurta DAALLO ee dhinaca woqooyi ka xigta Ceerigaabo 29ka bishan June 2012, ayaa ka dhacay shalay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Mudaharaadkan oo ay ka qaybgaleen dadweyne aad u badan oo isugu jira cuqaal, waxgarad, dhallinyaro, culimo iyo haween, waxay socod nabadgelyo ah ku mareen jidadka magaalada Ceerigaabo, iyagoo aakhirkii isugu tegay beerta Xaaji Aadan, halkaas oo ay ku qabteen shir-jaraa’id lagaga warramay ujeeddada bannaanaxaas.

Odayaasha iyo waxgaradka shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa caddeeyey inay mudaharaadkooda ku muujinayeen taageerada ay u hayaan shirka beeshoodu qabsanayso 29ka bishan June, iyagoo dhinaca kalena cambaareeyey cid kastoo ka horjeedda qabsoomidda shirkaas.

Waxa kaloo ay ugu baaqeen xukuumdda Somaliland inay faraha ka baxdo arrimaha shirkaas oo beeshoodu danaheeda kaga arrinsanayso.

Geesta kale, ciidammada booliska oo isku dayay inay bannaanabaxayaasha kala dareeriyaan ayaa ku guuldarraystay joojinta mudaharaadkaas.

Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Sanaag Mr. Aadan Diiriye Cigaal oo maalmahanba u tafaxaydnaa ka hortagidda qabashada shirkaas, ayaa la sheegay inuu cagajuglayn iyo hanjabaad kula kacay suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Ceerigaabo, isagoo ugu hanjabay inuu xidho doono weriyaha dira war ku saabsan mudaharaadka ka dhacay magaalada Ceerigaabo oo xamaasad iyo xiisad weyn ku ladhnayd.

TogdheerNews..Ceerigaabo

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)