Waqtigee ugu Habboon ee Qofku Guursan Karaa?

Xidhiidhada jacayl ee dadku sameeyaan aad bay u kala duwan yihiin, lammaane kastaana waxay leeyihiin waxyaabo kala duwan oo ay isla og yihiin, waxaanad guursan kartaa waqtiga ugu habboon guurka, bulshada kuma xidhna, qoyskaagana kuma xidhna, waxaanad guursan kartaa markaad hesho qof si daacad ah kuu jecel, balse jacaylku aannu kelideed ku ahayn ood isku kalsoon tihiin, eed dareento inay tahay tii keliya ahayd, sidoo kalena u aragto inay qof kasta kaaga wanaagsan tahay oo aanad helayn qof la mid ah amma isaga la mid ah.
Waxa kaloo guurkaagu ku xidhan yahay hadba sidaad qaan-gaadh u tahay ee u fahmi karto macnaha guurka, markaad diyaar u tahay inaad ballanqaado ood qaadi karto masuuliyadda qofka kale, kana taageeri karto dhinaca dhaqaalaha iyo noloshaba. Waxaad fahamtay inaad jiho wanaagsan u dhaqaaqi karto, waxaanad u jeedaa inaad diyaar u tahay sidii aad qof kale nolosha ula wadaagi lahayd ilaa intaad ka dhimanayso.
Lammaanahu waxay guur diyaar u noqon karaan markay murmaan, dagaallamaana, laakiin sida dadka waaweyn u xaliyaan khilaafkooda, waxaanad ogataa in khilaafku nolosha qayb ka yahay, waa inaad daacad isu noqotaan, qalbiyadiinuna isu furnadaan.
Dhammaan astaamahaas oo dhan iyo qaar kaloo ka badan marka lammaanuhu isku arkaan ayey guur diyaar u noqon karaan, waqtiga ku habboonna is guursan karaan, waana waqtiyada ugu fiican ee laba qof nolol qoys wadaagi karaan.
Imaraadka Carabta oo Aroos-wadareed Mar Qudha Loogu Sameeyey in ka Badan 39 Lammaane
Waddanka Imaraadka Carabta, ayaa mar qudha aroos-wadareed loogu sameeyey in ka badan 39 lammaane, kuwaas oo xafladooda aroosku ka dhacday magaalada Abu dabi.
Xafladdan ka dhacday gobolka waqooyi, waxa ka qaybgalay Sheekh Xamdan Bin Zayed Al-Nahyan oo ah Amiirka Imaraadka Carabta.
Aroos-wareedkan oo uu soo abaabulay maamulka la yidhaa Diwan oo ka kooban masuuliyiinta dawladda iyo shirkadda saliidda ee Abu Dhabi National Oil Company, waxa mar qudha laysugu aroosay in ka badan 39 lammaane.
“Imaankayagu wuxuu na siiyey inaannu taageerno dhallinyarada si ay u galaan mustaqbal ifaya oo noloshooda ah, lana siiyo daryeel kastoo macquul ah si aannu uga war-hayno, ugana daryeelno tiirarka daryeelka dalka.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Xamadan oo ka hadlay munaasibaddaas, waxaannu intaa ku daray; “Daryeelka qoysku waa arrin qaran, waxaanay door muhiim ah ka ciyaartaa jiil masuuliyad fiican leh.”
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments