telesom
logo
logo
logo
|

Sucuudiga oo Hudheellada Cuntada ka Mamnuucay Mayoonayska Raashinka Lagu Darsado

Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa xayiraad hudheellada cuntada kaga soo rogtay Mayoonayska raashinka lagu darsado, kadib markii lagu arkay dad badan oo ku sumoobay isticmaalka cuntooyin lagu daray. Sidaana waxa lagu baahiyey shalay baahiyey mareegta Emarates.

Saraakiisha dawladda hoose ee galbeedka magaalada Jubail ee dalka Sucuudiga, ayaa hudheellada cuntada iyo maqaaxiya uga digay inay cuntooyinkooda ku daraan mayoonayska.

“Go’aankani wuxuu dhaqan-galayaa Arbacada, waxana looga gol leeyahay in laga hortago cunto sumow iyo cudurro faafa.” Sidaa waxa lagu yidhi war dawladda Sucuudigu ku baahisay wargeyska Saba oo ka soo baxa dalkaas.

Hudheellada cuntada ayaa sidoo kael loo sheegay inay cuntada ku kaydiyaan meelo caafimaad qaba, isla markaana aanay ku hayn wax meelin ka badan, waxaanay sidoo kale uga digeen in gaadiidka lagu safriyo hilibka iyo raashinka la qaboojiyey iyagoon bilaa talaajad ah.

Warbixinta arrintan lagu mamnuucay waxay intaa ku dartay in kiisas badan oo dad cuntooyin ku sumoobeen ay ka dhasheen isticmaalka cuntooyinka mayooniska lagu darsado.

Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)