telesom
logo
logo
logo
|

Nuxurka kulamo uu Gudoomiye Cirro W/ Arrimaha Dibada Norway iyo Jaaliyada Soomaalida ee Norway

Norway- (Togdheernews.com)- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiya ururka waddani oo layeeshay kulan heersare ah wasaradda arrimaha dibeda Norway maanta.

Wasaraddu waxay sheegtay inay aad ugu farax sanyihiin  in Gudoomiyahu naga aqbalay  casuumadan.

 

Nuxurka kulanku wuxuu ahaa in saaxiibtinimada labada dal la sii xoojiyo isla markaana sidii horumarka Somaliland loo kocbin lahaa.

Waxa shirka ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md: Abdirahman M. Abdilahi (Ciro). Gudoomiyaha Norway ee Waddani Roble Salah Hussein, xildhibaan Fatima Ali Madar  , Kjell Harald Dalen iyo Rina Kristinmoen

 

Shirku waxa uu ku dhamaaday si heer sare ah.

 

Waxa kale oo uu Gudoomiyu la kulmay Hay'adda hurumarinta daaqa iyo Beeraha ee Norway oo mashaariic ka wada Somaliland. Waxa ka soo qayb galey hogaamiyaha mashaariicda debedda, hogaanka xafiiska Christoffer Ringnes Klyve, Development Manager of foreign department.

 

 Rosalba Ortiz, Development Program Coordinator – Agro-biodiversity,

Jon Erik Nygaard, Development Fund Country Director

 

Waxa kale oo uu Gudoomiye C/raxmaan Cirro la qaatey kulan is xogwaraysi ah  taageerayaasha ururka Waddani ee Norway. Halkaasi  oo casho sharaf loo gu sameeyay , Goobtaasi oo uu C/raxmaan Cirro ugu sharaxey   Ujeedada ururka waddani iyo barnaamijkiisa,  Isla markii uu dhameeyay qudbadii  ayaa waxa goobtaasi ka dhacay waxyaabo mucjiso la odhan karo.

 

Waxa goobtaasi kaga biiray ururka Waddani  dad badan oo ka tirsan jaaliyada Somaliland ee Norway.  Iyaga oo halkaasi ka qirey in ururka Waddani yahay kii ka turjamayay aragtidooda siyaasadeed. Waxa dadkaasi ka mid ahaa oo hormuud u ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.  Waxa  uu ahaa xildhibaankaasi Axmed M. Ali Beegsi.

 

Waxa iyana Goobtaasi hadal kooban ka jeedisay xildhibaan  Faadumo Ali madar oo ah xubin ka tirsan Golaha deeganka ee caasimada Norway  Oslo.  Iyo Safiirka Somaliland  Norway mudane  Sulub Warsame. Iyo xubno kale oo ka tirsan jaaliyada Norway. Guud ahaan waxa ay ku dhamaatey  xafladu si quruxbadan oo dhamaan dadkii joobtaa joogey u riyaaqeen.
 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)