telesom
logo
logo
logo
|

Dawladda Iran oo Haweenkeeda ka Mabnuucday Daawashada Ciyaaraha Qaramada Yurub ee 2012

Haweenka u dhashay dalka Iran, ayaa laga mamnuucay daawashada ciyaaraha kubbadda cagta Euro 2012 ee tooska looga daawado goobaha dadku isugu yimaaddaan, iyadoo go’aankaasna lagu sababeeyey in ciyaaraha reer Yurub meel isugu keenaan ragga iyo dumarka muslimiinta, arrintaas oo horeba mamnuuc uga ahayd dalka Iiraan.

Wakaaladda wararka Iran ee ISNA oo xiganaysay saraakiisha bilayska, ayaa shaacisay in dalkaas laga xaaraantimeeyey daawashada tartanka koobka qaramada Yurub ee ka socda waddamada Poland iyo Ukraine.

“Ragga kubbadda xiiseeya ee daawadda waxay mararka qaar ku kaftamaan hadallo xun-xun, manaha sharafta haweenka inay ciyaaraha la dawadaan ragga, waana inay bilayska amarkooda raacaan.” Sidaa waxa yidhi taliye-ku-xigeenka ciidammada bilayska Iran.

Dalka Iran lammaanaha iyo qoysasku waxay hore ciyaaraha koobkii addduunka ee 2010 iyo kii Eeshiya ee 2011 si wadajir ah uga dawanaayeen goobaha aflaamta lagu dhigo, kuwaas oo rag iyo dumarba la is dhex qaadi jiray, iyagoo culimada iyo madaxda reer Iran arrintaas mid ka horimanaysa diinta islaamka, isla markaana go’aan ku gaadheen in xayiraad is-dhexgalka daawashada ciyaaraha lagu soo rogo waddankooda.

Shacabka reer Iiraan, ayaa goobaha lagu dabbaasho, dugsiyada, baabuurta la raaco iyo basaska dadweynaha si gaar a loogu qoondeeya.

Ma la Socotaa in Google iyo Qalabka Shirkadda Apple soo Saartaa Basaasiin u Yihiin Satalayd-ka Maraykanka?

Barta internertka macluumaadka lagu baadho ee Google iyo qalabka ay soo saarto shirkadda Apple, ayaa la xaqiijiyey inay basaasiin u yihiin, una diraan khariidadaha magaalooyinka adduunka satalaytka Maraykanku ku leeyahay hawada sare.

Tiknoolajiyadda Maraykanku waxay kor u qaadaysaa inay soo saarto qalab lagu ogaan karo khariidadda si ay sawir ugu qaadaan, una ogaadaan waxa magaalooyinka adduunka ka socda, balse dadka tiknoolajiyadda u ololeeya ayaa shaaciyey inay arrintan hormood ka tahay in bulshooyinka caalamku isu dhawadaan.

Shirkadda Google waxay qiratay inay macluumaad u dirto satalaytkaas, halka shirkadda Aplle ay leedahay qayb u gaar ah basaasidda oo xogaha u dirta cir-bixiyeennada satalaydada hawada ku sugan ee Ameerikaanka, kuwaas oo ugu yaraan mar qudha wax ka qaban kara 20 goobood.

Kamaradda milleriga loogu talogalay ee shirkadda Apple oo la ogaaday inay aad u awood badan yihiin, ayaa la caddeeyey inay si toos ah cirka uga duubi karaan laydhadhka guryaha iyo daaqadaha waxa ka socda, waana mid la mid ah macluumaada sirdoonka Maraykanku isticmaalaan si ay u xaqiijiyaan meelaha argagixisadu bartilmaameedsanayso, gaar ahaan dalka Afghanistan.

Google waxa uu diyaarinayaa inuu isticmaalo qorshe caawinaya in la abuuro khariirad loo yaqaan 3D, taasoo aad uga faahfaahfsan ta satalaytka laga keeno ee ku jirta Google-ka.

Mr. Nick Picklets oo ah isuduwaha hay’adda la yidhaa Big Brother Watch, ayaa ka digay in arrintani khatar gelinayso waxyaabaha dadka u gaarka ah ee dhinaca ganacsiga iyo siyaasadda la xidhiidha.

“Jiilasha dambe ee khariidaduhu waxay innaga qaadayaan dayrka innagu xeeran, mana awoodaysid inaad beertaada ku cadceedsato adigoon ka werwerayn Apple iyo Google qorshayaashoodan ay ummadda sawirrada kaga qadayaan,” ayuu yidhi Mr. Nick.

Nin Laga Daweeyey AIDS oo Kiiskiisu Dhakhaatiirta u Furay Dariiq loo Mari Karo Daawaynta Cudurkaas

Mr. Timothy Brown oo 46 jir ah oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa noqday qofkii ugu horreeyey inta laga xasuusto taariikhda ee laga daaweeyey cudurka HIV/AIDS, kaas oo unugyada dhiigga looga beddelay qof isagu iska caabin kara xannuunkan.

Sannadkii 2007-kii ayaa dhakhaatiir u dhashay_Jarmalku sameeyeen qalliin waxay ku daawaynaayeen Mr. Brwon, iyagoo ka beddelay dhammaan unugyadii dhiigga, isla markaana ku guulaystay inay ka daaweeyaan cudurkaas halista ah, kaas oo dariiqa u furi doonta in xannuunkan laga badbaadiyo 34 milyan qof oo AIDS-ku daafaha dunida ku tabaaleeyey.

Mr. Brown waxa ka hor intii aan xannuunkan laga daaweyn lagu naanaysi jira ‘The Berlin Patient’ oo macnaheedu yahay bukaankii Berlin, sababta oo ah wuxuu ahaa qofka keliya ee cudurkan la nool caasimadda waddanka Jarmalka, waxana cudurkan laga helay sannadkii 1995-kii.

Sannadkii 2007-kii ayaa loo hawlgalay in laga daaweeyo xannuun kaloo cudurkan u wehelinayey oo u dhacay Brown, waxaanay intii lagu guda jiray daawayntiisa dhakhaatiirtu siinaayeen dhuux bina’aadam, sidoo kalena waxa laga beddelay unugyada dhiigga, taas oo u saamaxday muddadaas dheer in jidhkiisu iska difaaco inuu fayriska HIV ee dhaliya AIDS-ku si sahlan u soo rito, aakhirkiina waa lagu guulaystay in cudurkan laga daaweeyo meeshana laga saaro

Habkii daawaynta cudurkan oo dhakhaatiirtu u taqaan ‘Delta 32, waxa lagu badbaadiyaa ugu badnaan dad tiradoodu lagu qiyaaso 1% oo ku nool woqooyiga Yurub, gaar ahaan waddanka Sweden.

Dr. Lawrence Ptes oo ah isuduwaha dhakhaatiirta arrintan ka hawlgashay, ayaa wakaaladda wararka ABC u sheegay in daaweynta Mr. Brown lagu sameeyey uu ahaa hawl aad u adag oo aan dadku si fudud ugu guulaysan karin.

Mr. Brown oo arrintan aad ugu faraxsan ayaa yidhi; “Maan doonayn inaan noqdo qofka keliya ee adduunka laga daaweeyo HIV, laakiin waxaan doonayaa in la daaweeyo qof kastoo cudurkaasi asiibay.”

 Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)