Xoggo Jamhuuriya Xalay ka Helay Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duraan), ayaa xaalad caafimaad loo geeyey dalka Jabuuti, kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas koox hubaysani ku fureen salaadii subax ee shalay, isagoo markaas ka soo baxay masjid uu ku tukaday.
Sida ilo-wareedyo dhinaca caafimaadka la xidhiidha u xaqiijiyeen Jamhuuriya, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxa xabadi kaga dhacday daanka, taasoo ka baxday qadaadka dambe ee madaxa, iyadoo xaaladiisa caafimaadna aanay u muuqan mid halis ah, balse goobta rasaastu ka cuskatay oo halis ah ayaa sababtay in si degdeg ah loogu qaado cusbitaal ku yaal dalka Jabuuti, halkaasoo dhakhaatiir khibrad caafimaad lihi ku sugan yihiin, kuwaasoo gacanta ku haya sidii garsooraha looga daawayn lahaa dhaawaca ku yaal.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo aannu la xidhiidhnay abaaro tobankii habeenimo ee xalay si wax looga weydiiyo xaaladda ugu dambaysay ee la xidhiidha caafimaadka Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa, waxa uu sheegay in caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay, isla markaana la dhigay cusbitaal ku yaal magaalada Jabuuti, isagoo Ilaahay uga baryey Guddoomiyaha dhaawaca ah inuu siiyo caafimaad sareecan ah.
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo isku dayga dil ee lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo cidda kiiskaas loo qabqabtay, waa uu ka gaabsaday inuu arrintaas ka hadlayo, isagoo si kooban u yidhi; “Kiiskaas baadhis baa ku socota oo hadda ma doonayo in aan ka hadlo.”
Hasayeeshee sida ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya waxa tuhuno falkaas la xidhiidha u xidhan dhawr qof oo ciidammada ammaanka ka qabqabteen caasimadda Hargeysa, kuwaasoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin qaabka boolisku u qabtay iyo inay kiiskaas wax lug ah ku leeyihiin, balse waxa hay’adaha kala duwan ee ammaanku wadaan baadhitaanno qotodheer oo la xidhiidha shirqoolka lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo hadda la jiifiyey cusbitaal ku yaal magaalada Jabuuti.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo shalay saxaafadda u waramay, ayaa sheegay inay ku raad-joogaan laba nin oo uu tilmaamay inay ka dambeeyeen falka lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
“Falkaa waxa fuliyey laba qof oo hubaysan, iyagii gacanta laguma hayo, laakiin raadkii baa la hayaa, baadhistiina way socotaa ee Ilaahay waxaannu ka rajaynaynaa in iyada oo deggan ay noo soo dhammaato. Raad iyo bilow fiican ayaa yaal oo way dhammaandoontaa. Waxa meesha yaal waxa weeye Rashiid maxaa loo toogtay? Waxa loo toogtay waxa weeye inuu yahay garsoore maxkamadda Gobolka Guddoomiye ka ah, sababta xilka uu qaranka u hayo ayuu ku mutaystay in la toogasho lala beegsado, taasina waa mid aanay masuuliyiinta iyo cid kasta oo shacabka reer Somaliland ka mid ahi soo dhawaynayn,” ayuu yidhi Md. Duur.
Waxa Wasiirka Daakhiligu tilmaamay in masuuliyiinta qaran ee buunbuuniyey oo cambaareeya go’aan ka soo baxay garsoore maxkamadeed ay raad ku yeelanayaan falkii shalay lagu weeraray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Masuuliyiinta qaranka ee buunbuuninaya garsoor maxkamaddi gaadhay marka falkan oo kale dhaco waxay muujinaysaa in ay falkaasi raad ku leeyihiin, waxaan masuuliyiinta iyo shacabka uga digayaa in aan qofka xil-guddashadiisa aan warbaahinta la gayn ee lagu taageero, waayo xil-guddashadu waa ta aynu ilaalinayno, haddii aan xilkan qaranka la helin cid u heegan ah oo ka shaqaysa, haddii aan nabadda la helin cid ka shaqaysa ama aan la helin garsoorka cid ka shaqaysa ma jirayso qaranimadda Somaliland. Dadkan masuuliyiinta iyo waxgaradka sheeganaya, dadka xilalka qaranka u haya ee buunbuuninaya masuul xilkiisii gutay ama hay’ad qaran oo shaqadeedii qabsatay wax kale ka dhigaya waxay ceebtaa ku yeelanayaan raad xun, ummadda amnigeeda inay baabiinayaan ayey muujinayaan, ummaddu inay cawaaqib-xumo ay ka kortay dib u gasho ayey doonayaan. Waxaan uga digayaa dad noocaas ah inay joojiyaan falka noocaas ah, uma fiicna oo ma dhaqayso ummadda, qofka xil-guddashadiisa waa lagu taageeraa, wixii tallo ay kuula muuqatana toosinteeda iyo wanaageedaa loo maraa, laakiin shacabka kicintiisa iyo guubaabintiisa waxaan leeyahay ha laga daayo.”
Wasiirka oo la waydiiyey in raadka uu sheegay inay hayaan uu ka dhigan yahay in la aqoonsaday dadkii fuliyey falka weerarka, waxa uu ku jawaabay, “Runtii raad iyo waxyaabo badan oo wanaagsan baanu haynaa, lagama hordhici karo oo ma odhan karno waanu garanay, haddii aannu garanay waxay noqonaysaa in aannu magacowno, laakiin waxaannu haynaa raad kalsooni fiican leh, Isha Allaahu waqtiga ay suurtogal noqoto ee ay noo gebogabowdana waanu soo gudbin doonaa.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), aya isna shalay cusbitaalka ku booqday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka hor intii aan loo qaadin dhinaca dalka Jabuuti, iyadoo xukuumadda Somaliland damaanad qaaday kharashka iyo daryeelka garsooraha la dhaawacay.
Waxa madaxweyne Siilaanyo Ilaahay uga baryay inuu shaafiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee dablayda hubaysani dhaawaca u gaysatay, waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay falkan waxshinimadda ah ee lagula kacay Guddoomiyaha xili uu ka soo baxay masaajidka oo uu ku tukaday salaadii subax.
Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo u warramayay idaacadda VOA-da, ayaa cambaareeyay falka lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, isagoo caddeeyey in falkaasi ahaa mid bahalnimo oo ay fuliyeen dad garsoorka dalka cadow ku ah, isaga oo sidoo kalena sheegay in falkaasi aannu waxba ka beddeli doonin hawshii garsoorka ee ay shacabka u hayaan.
Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu sheegay inuu filayo in falkan foosha xumi la xidhiidho dacwado uu Cabdirashiid Duraan si caddaallad ah u xukumay, isaga oo sidoo kalena sheegay inay dhici karto in meel fog laga soo duulay, waxaanu tilmaamay in ciidammada ammaanku sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu soo dhigi doonaan cidii falkaasi geysatay.
“Waxaannu cambaareynaynaa falkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa oo loogu tallogalay in qudha lagaga jaro, aad ayaanuna u cambaaraynaa falkaasi bahalnimada ah ee lagu dhaawacay Cabdirashiid Maxamed Duraan, haddii aanu nahay garsoorkii iyo guddidii cadaalada Somaliland-ba”
Prof. Yuusuf Ismaaciil Cali waxa kale oo uu soo qaaday “Anagu waxaannu ognahay in falkaasi la xidhiidho dacwadihii uu sida cadaalada uga garsooray, waxayna arintaasi soo bixi doontaa baadhista ay wadaan hay’adaha amniga ka dib, waanuna ku kalsoonahay hay’adahayaga amniga, xukuumaddayada iyo shacabkayaga,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo intaas; “Waxaannu ognahay inay falkaasi fuliyeen dad garsoorka cadow ku ah ama meel fog ka soo duulay, waxaanuna rajeynaynaa in sida ugu dhakhsaha badan gacanta loogu dhigi doono.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa uu xusay in falkaasi lagu dhawaacay Guddoomiye Duraan aanu wax cabsi ku abuuri doonin bahda garsoorka dalka, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa aannu muujinaynaa dareenkayaga ah inaanaan falkaasi wax baqqe ah nagu keenayn oo aanu hawsha garsoorka ee aanu hayno ugu habran mayno ama xaq-darro aannu wax ku xukuno, xaqqa ayaana sareynaya,”ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.
Geesta kale, Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, ayaa cambaareeyey falka lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyagoo xukuumaddana ugu baaqay inay baadhis sugan ku samayso dhacdadaas foosha xun, sharcigana horgayso ciddii falgaas ku kacday.
“Urrurka Qareenada Somaliland (SOLLA), iyagoo ka xun weerarkii waxshinimada ahaa ee lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Marood-jeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Cabdirashiid Duraan), wuxuu si kulul u cambaaraynayaa weerarkaas lagu bartilmaameedsaday Guddoomiyahaa ka tirsan bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.
Wuxuuna ururku ugu baaqayaa xukuumadda in ay baadhis sugan ku samayso dhacdadaas foosha xun, dadkii falkaas gaystana sharciga la hor keeno. Sidoo kale waxaannu ugu baaqaynaa xukuumada in ay dajiso oo ay hirgaliyaan qorshe cad oo lagu sugayo ammaanka hawlwadeenada garsoorka goobahooda shaqada iyo guryahoodaba, iyagoo dabeecada shaqadooda ay khatar ugu sugan yihiin mar kasta. Waayo, ka hortago wuxuu ka wanaagsan yahay daaweynta.” Ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi oo warbaahinta loo qaybiyey xalay.
Waxa kale oo falkan cambaareeyey Suldaan Axmed Cismaan (Cadde-gude) iyo cuqaal ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex oo kala ah Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoorre, Caaqil Cali Faarax Yuusuf, Caaqil Maxamed Xaashi, Caaqil Jaamac Cabdi Axmed iyo Caaqil Aadan Caabi Fidhin oo ka mid ah madax-dhameedyada Gobolka Hargeysa oo shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa shalay, kuwaasoo xukuumadda ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan caddaaladda loo horkeeno ciddii falkaas kula kacday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Dayac iyo habacsanaan xooggan ayaa ka muuqda ammaanka garsoorayaashaa ka hawlgala maxkamadaha kala duwan ee dalka, iyadoo aanay jirin ciidammo si gaar ah u qaabilsan ammaanka iyo nabadgelyada bahda garsoorka, maadaama kiisaska iyo xukunnada ay qaadaan u soo jiidaan cadaw badan oo marka nidaamka caddaaladda lagaga adkaado miciinsanaya inay ku kacaan falal halis gelin kara nafta garsoorayaasha sida shalay ku dhacaday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Waxa iyana dhacday in hore magaalada Laascaanood loogu dilay garsoorayaal ka hawlgeli jiray maxkamadaha gobolka Sool.
Xigasho Jamhuuriya





Recent Comments