Ururka Qareenada Somaliland oo ku Baaqay Baadhis Degdeg ah
Hargaysa(Togdhnews)-Guddoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland Jaamac Maxamuud Xaashi ayaa canbaarayn ba?an u soo jeediyay dadkii ka dambeeyay falkii lagu dhaawacay guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa Md. Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Cabdirashiid Duraan).
Waxa uu ugu baaqay xukuumadda in ay baadhis ka gasho cidii ka dambaysay falkaasi.
Sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed uu ka soo saaray Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu nuqul ka mid ahi ay heshay shabakadda WARAMA
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan
"Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA), iyagoo ka xun weerarkii waxshinimada ahaa ee lagu dhaawacay Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka M/Jeex Muddane C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan), wuxuu si kulul u Canbaaraynayaa Weerarkaas lagu Bartilmaameedsaday Gudoomiyahaa ka tirsan Bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.
Wuxuuna ugu Baaqayaa Xukuumada in ay Baadhis Sugan ku samayso Dhacdadaas Foosha Xun, dadkii falkaas gaystana Sharciga la hor keeno.
Sidoo kale waxaanu ugu Baaqaynaa Xukuumada in ay dajiso oo ay hirgaliyaan Qorshe cad oo lagu sugayo Ammaanka hawl- wadeenada Garsoorka goobahooda shaqada iyo guryahoodaba, iyagoo dabeecada shaqadooda ay Khatar ugu sugan yihiin mar kasta, waayo KA HORTAGU WUXUU KA WANAAGSAN YAHAY DAAWAYNTA."
Gar-yaqaan Jaamac Cilmi Xaashi
Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA)





Recent Comments