DAAWO :Ururka WADANI oo shaaciyay musharaxiinta Doorashada Degaanada uga sharaxn Oodweyne, Hargaysa iyo Burco.
Burco (Togdhnews)- Urur siyaasadeedka WADANI ,ayaa , xaflad balaadhan oo ku qabtya Burco kaga dhawaaqay sideed musharax oo uga qaybgali doona tartanka doorashooyinka golaha degaanada ee gobolada Daadmadheedh ,Maroodi jeex iyo Togdheer.
Munaasibadan oo ay ka soo qaybgaleen madaxda Ururka wadani, xildhibaano, Cuqaal ,waxgarad iyo taageerayasha ururkaasi ayaa lagu qabtay huteel Shamaxle ee magaalada Burco.
Mr. Jaamac Sidiiq oo ka mid masuuliyiinta Ururka wadani ee G/togdheer, waxaanu sheegay in xaflad loo qabtay sideed musharax oo ururka wadani uga qaybgali doona doorashada degaanada ee Hargaysa, Burco iyo Odweyne islamarkaana beesha degaanka Odweyne u soo xulatay masharaxnimadooda “ Waxaanu maanta soo dhaweynaynaa Sideed Musharax ee Cuqaashii iyo waxgaradkoodii u soo xusheen inay iska sharaxaan Ururka Wadani, kuwaasoo shan ka mid ahi u sharaxan yihiin doorashada degaanada ee degmada Oodweyne, halka labadada musharax ee kalena ka sharaxan yihiin doorashada degaaka ee Hargaysa iyo Burco.” Ayuu yidhi.
Cismaan Afgaab oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee ururkaasi wadani ,oo ka hadlay xafladaasi ayaa tilmaamay inay gacmo furan ku soo dhaweynayaan musharaxiintan “ Hadaanu ururka Wadani nahay waanu gudoonay musharaxiintan aad soo xuluteen beel ahaan,waanad ku mahad santihiin talada midaysan ee aad ku go,aansateen inaada ka sharaxdaan Ururka wadani” Ayuu yidhi.
“Dhamaan bulshada gobolada Somaliland oo dhan cududoodii way ka muuqdaan Ururkan ,Waxaana hore loo yidhi Guryo samo iyo Lama dega mid walba magaciisa ayaa lagu degaa, markaa waxaan leeyahay ururkeenu waa Guryo Samo ,ee ninkii degaya lama dega isagay jirtaa” Sidaas waxa yidhi Xildhbaan Maxamed Diiriye Xayd,oo ka mida golaha degaanka Burco oo xafladaasi ka hadlay.
Xirsi Jamaac (Indho) oo ah musharax ka sharaxan golaha degaanka Burco oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in hadii uu ku guulaysto doorashada inuu si cadaalada iyo sinaana ugu shaqayndoono bulshada “ Waxaan ka shaqayndoonaa hadii aan ku guulaysto doorashada horumarinta iyo wax u qabshada bulshada, anigoo si daacad ah ugu adeegi doona dadkayga iyo dalkayga.”
Cuqaasha iyo Waxgaradka degaanka Oodweyne ee xafladaasi ka hadashay ayaa tilmaamay inay go,aan ku gaadheen wadajira ku gaadheen musharaxoodu inuu noqdo Xirsi Jaamac ,islamrkaana ururka Wadani iska sharaxo ,Taageerayadana waanu la garab joogaynaa.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan ayaa xafladaasi ka sheegay in Ururka Wadani yahay urur ay wada leeyihiin bulshada Somaliland oo dhami oo ay u furan tahay cidkasta oo ka mid noqonaya,laguna soo dhaweynayo.
Gudoomiyaha Ururka Wadani ee G/Togdheer Xuseen Kaahin iyo Marwo Hinda Jaamac ayaa u rajayay musharaxiintan inay guulaystaan, Ururka wadanina ka mid noqon doono sadexda xisbi ee soo baxa.
Munaasibada oo ahyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa hadalo kala duwan ka jeediyay Cuqaal ,Masuuliyiin , waxgarad iyo haween kuwaasoo dhamaantood xusay inay soo dhaweynayaan musharaxiintan cusub sidoo kalena hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ururka Wadani






Recent Comments