“Qofka 20 jirka ah ee xaafadda idaacada ee Hargeysa ku dhashay xaafada Calaamaduhu waxay ula mid tahay sidii nin Shiinaha ku dhashay oo kale”..Muuse Biixi.
Hargeysa ((Togdhnews)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in aanay diiddanayn dhaliilo badan oo loo jeediyo xisbigiisa iyo xukuumadda ka dhalatay ee dalka hoggaamisa, isagoo tilmaamay in qofka bani’aadamka ah xil ha hayo ama yaannu hayne uu khaldami karo.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal duur-xul siyaasadeed ah ka jeediyey xaflad xisbihiisu qabsaday maalintii Sabtida, waxa uu tilmaamay in xukuumadda KULMIYE hawlo badan qabatay muddadii ay jirtay, isagoo xusay in dhalliisha iyo eedu la socoto xilka iyo kursiga masuuliyiinta qaranku ku fadhiistaan.
“Waxay ila tahay xisbiga KULMIYE hore hawlo badan buu u soo qabtay, maantana hawlo culus baa horyaal. Soomaliladu waxay tidhaa ‘ammaan-na waa loo dhintaa cayna waa loo guursadaa!’ Diidi mayno in dhaliilo badan naloo soo jeediyo, balse waxa hubaal ah halkaynu wax marinaynaa in la isweydiiyo. Qabyaaladdu waa mid meel kasta taal. Bal ka warran Maxweynaha la yidhi xukun min bari ilaa Ceeleeya ilaa Saylac oo duruufaheeda leh, markaa waxa ugu muhiimsan sidaynu wax u hoggaaminaa bani’aadam sax ah ma jiro; madaxweyne ahaw ama xil kasta hay khaladka iyo bani’aadamka Ilaahay ayaa isku sameeyey. Qof kasta wuxuu qaladku u muuqdaa marka aad xilka hayso,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay qaab-dhismeedka caasimadda Hargeysa iyo sida bulshadu u kala deggan tahay, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in magaalada Hargeysa ay xaafad-xaafad u kala qoqobnaato, waxaannu reer Hargeysa ugu baaqay inay midoobaan oo marka doorashada la gaadho ay codkooda siiyaan qof Hargeysa u dhashay oo fahmi kara baahideeda iyo xaaladeedaba.
“Maanta Hargeysa waxa loo sharraxayaa 25 xilbaan oo golaha degaanka ah. Waxaynu wada jecelnahay in aanay innaga noqon qoloqolo. Hargeysa waa isku mid, waayo laba roob ma kale helaan oo ka madaarka helaa idaacaddana wuu helaa. Hargeysa waa qof qudha oo sida qofka jidhkiisu u yahay waaxyo sida gacanta bidix iyo gacanta midig ayuun bay Hargeysana u kala tahay xaafad bari iyo tu galbeed iyo tu koonfureed, markaa waxay u baahan tahay waxa uu qof walba u baahan yahay. Qof waloo Hargeysa joogaa wuxuu u baahan yahay tacliin, shaqo iyo caafimaad.
Waxa maanta nasiib-darro ah in Hargeysa halkay ka midoobi lahayd oo ay ka noqon lahayd mid qudha oo wax doonta ay kala qoqoban tahay, qabyaaladu xishood maleh oo qofka 20 jirka ah ee xaafadda idaacada ee Hargeysa ku dhashay xaafadda Calaamaduhu waxay ula mid tahay sidii nin Shiinaha ku dhashay oo kaloo internet-ka oo uu ka akhriyo mooyee mabuu arag, qofka Calaamadda ku dhashayna waa la mid oo hooyadii halkaasi ayey ku dhashay, markaa bulshadu siday isku afgaran doontaa? Waa wax u baahan in wax laga beddelo.
Ceebta kale waxa weeye dhul-boobka dhacay wuxuu inoo keenay in qof waliba iibsado beerta inaadeerkii, markaasaa daan waliba sii qolo-qolowaday oo sii kala qaybsantay. Maanta haddaan Hargeysa is taago xaafadaha waxaan odhanayaa sakadaasi waa tii reer Warfaa, dhibaatada jirtaa waxaa weeye qofka reer Hargeysa mayd agtiisa ku go’ay jaarnimo uma aasi karo ee wuxuu odhanayaa waa qolama, taasina waa ceebaha Hargeysa ku soo baxay, markaa waxaan doonaynaa in qofka aan dooranaynaa noqdo qof Hargeysa u dhashay oo fahmi kara xaaladeeda iyo baahideeda,” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Guddoomiyaha KULMIYE oo si duur-xul ah shacabka reer Hargeysa uga dalbay inay codkooda siiyaan murrashax xisbigiisu u soo sharraxay doorashada goleyaasha degaanka ee caasimadda.





Recent Comments