Shirkadda ku Guulaysatay Dhismaha Madaarka Hargeysa oo Shaacisay in Shaqadeedu Tahay Macdanta iyo Beeraha
Beijing (Jam/Honogroup.com)- Madaxweynaha shirkadda ku guulaysatay dhismaha iyo casriyeynta Madaarka Hargeysa Mr. Ren Zhiqiang, ayaa si rasmi ah u shaaciyey waxyaabaha shirkadoodu ka shaqayso oo ah dhinacyada macdanta iyo beeraha (manning and agriculture).
Farriin madaxweynaha shirkadda China Hono Group ee Madaarka Hargeysa dhisaysaa ku baahiyey bogga ay internet-ka ku leeyihiin ee Honogroup.com oo Jamhuuriya helay, ayaa lagu caddeeyey in shirkaddan oo xarunteedu tahay caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing la aasaasay sannadkii 1991, isagoo madaxweynuhu farriintiisa ku bayaamiyey inay hawlgalo dhinaca macdanaha la xidhiidha ka wadaan gudaha Shiinaha iyo dalal kaloo dibadda ah.
“Shirkadda China Hono Group waxa la aasaasay sannadkii 1991kii waxay hadda horumar ka gaadhay inay noqoto shirkad hormuud ka ah macdanta iyo dhinaca beeraha, iyadoo hawlgallo ka fulisay gudaha waddanka Shiinaha iyo dalalka dibadda, waxayna shaqadeedu koobsanaysaa saddex qaybood oo waaweyn oo kala ah; macdanta, qandaraasyada mashaariicda macdan-baadhista caalamiga ah iyo hawlgallada macdan-baadhista rayidka ah.
Bishii August ee sannadkii 2011 China Hono Group waxay yeelatay lix goobood oo macdaneed oo ku kala yaal gobollada Shanxi, Shaanxi, Henan, Jilin, Jiangxi ee dalka Shiinaha, dalalka dibaddana waxay maalgashi ka samaysay waddanka Burma oo aannu ku leenahay saddex macdan-goobeed oo khayraad ka buuxo. Wax-soo-saarkayaga dhinaca macdantu wuxuu xoogga saaraa macdanaha kala ah; Tin, Lead, Zinc, Iron, Titanium, Copper, Tungsten iyo Manganese,” ayuu yidhi Madaxweynaha Shirkadda China Hono Group Mr. Ren Zhiqiang.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Qandaarasyada Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Caabbi Cabdi oo Jamhuuriya xafiiskiisa ku booqday shalay si wax looga weydiiyo waxa ay ka ogyihiin shaqada rasmiga ah ee ay qabato shirkadda Shiinaha ee ku guulaysatay qandaraaskii lagu bixiyey dhismaha madaarka caasimadda, waxa uu sheegay in waxa qudha ay ee ay ogyihiin tahay in shirkaddaasi ku guulaystay qandaraaskii dhismaha garoonka diyaaradaha Hargeysa.
“Waxaan ogahay inay ka mid ahayd shirkadaha tartanka ka qaybgalay oo buuxisay shuruudihii lagu xidhay ee helay tartankii dhismaha madaarka, markaa haddii shirkaddu buuxiso shuruudaha lagu xidho ma jirto baahi kaloo aannu u qabnaa,” ayuu yidhi Mr. Caabbi.
Waxa kaloo Guddoomiye-ku-xigeenka la weydiiyey su’aal ku saabsan waxa ay kala socdaan in hawlaha rasmiga ah ee shirkadda China Hono Group qabato oo ah dhinaca macdan-baadhista, waxa uu ku jawaabay; “Annaga arrintaasi nama soo gaadhin oo shirkaddan qandaraaska heshay waxay la soo xidhiidhaysay Wasaaradda Duulista, markaa wasaaradduna waxay leedahay dad khubaro ah oo la-taliyeyaal oo hawsha la wada, markaa wax cabasho ah ama khalad ah oo shirkadan ka yimi anigu maan maqal,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay.
Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa 16 February 2012 ku dhawaaqay in shirkadda China Hono Group ay ku guulaysatay casriyeynta madaarka Hargeysa, qandaraaskaasi oo ku kacaya lacag ka badan 4 milyan oo dollar, halka shirkad Itoobiya laga leeyahay oo la yidhaahdo Tekleberham iyo shirkad kale oo qudheeda madmadaw badani ku jiro oo la yidhaahdo Afro-sino ay si wada jir ah ugu guulaysteen qandaraaska madaarka Berbera.
Xigasho Jamhuuriya





Recent Comments