Kenya: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ku xigeenkiisi oo ku geeryooday shil Diyaarad

Wasiirka ammaanka gudaha ee dowladda Kenya, Prof George Saitoti, ku xigeenkiisa Orwa Ojode iyo afar qof oo kale ayaa saaka ku dhintay diyaarad ku burburtay duleedka caasimadda Nairobi.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka oo gaaray goobta ay diyaaradda ku burburtay ayaa xaqiijiyay in labada wasiir ay dhinteen.
Waxaa sidoo kale shilka ku dhintay labo duuliye iyo labo qof oo ilaaliye u ahaa wasiirka ammaanka.
Diyaaradda oo nooceedu uu ahaa helikobtar ayaa ku burburtay kaynta Ngonga ee deegaanka Kibiku, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen booliska Kenya.
Xaaladda hawada ayaa la sheegay inay aad u xumayd xilliga uu shilku dhacay.
Waxay u socdeen in ay ka qeyb galaan lacag-ururin kaniisad laga sameyn rabay.
Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki ayaa tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada wasiirrada dhintay.
Togdheernews.com




Recent Comments