telesom
logo
logo
logo
|

Ilmo Yar oo ku Dhashay Bila Indho, Aadna u Jecel inuu ku Ciyaaro Tooshka iyo Xikmada ka Dambaysa

 

 

Wiil yar oo ku soo dhashay indho la’aan, ayaa aad u jecel inuu indhihiisa ku eego waxyaabaha ifaaya sida tooshka, sababta oo ah dareemahiisa indhaha ayaa aad u dereema walxaha ifaaya.

Wiilkan yar oo la yidhaa , ayaa ilaa intii uu jiray siddeeda bilood indhihiisa ku ifin jiray iftiinka tooshka, waxaanay dhakhaatiirta dalka China ogaadeen in indhihiisu ka hooseeyaan maqaarka ku dahaadhan godadkii indhuhu ka muuqan lahaayeen, iyagoo daboolka ka qaaday inay dareemahoodu si toos ah u dareemaan laydhka.

Waalidiinta wiilkan yar ayaa aad uga murugaysan ilmahoodan yar ee indho la’aanta ku dhashay, balse aabbihii Madamihan iyo hooyadii Salamu oo labadooduba 26 jir ah ayaa wiilkooda u qaaday dhakhtar ku tuulo yar oo ay degen yihiin oo la yidhaa Urumqi oo ka tirsan magaalada Xinjiang, iyagoo ka dalbaday in loo jeexo indhihiisa, waxaanay dhakhaatiirtu in ishiisa bidix dareento iftiinka, balse maqaar ku dahaadhan yaahy.

“Waxa uu aad u jecel yahay inuu eego laydhka, waxanaan maalin kasta u barinaa inuu laydhka arko,” ayuu yidhi aabbaha wiilkan yar dhalay.

Nasiib-darro khubaro ka tirsan cusbitaalka ciidammada ee 474, ayaa sheegay inaan qalliin samayn karin wiilkan yar, sababta oo ah waxaannu lahayn qaybta soo qabata araga ee la yidhaa Lens-ka, iyagoo talo ahaan ku soo jeediyey in marka uu gaadho 16 jir loo gelin karo indho ardafiishal ah amma mala-awaal ah.

Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)