telesom
logo
logo
logo
|

Kabtanka Holland oo shaaciyey in Cunsiriyad lagula kacay

Kabtanka xulka qaranka kubbadda cagta Holland, Mark van Bommel ayaa sheegay in cayaartoyda dalkiisa ee isku diyaarinaya ka qeybgalka koobka qaramada Yurub lagula kacay cunsuriyad, xilli ay shalay tababar ku qaadanayeen garoon ku yaalla dalka Poland.

Mark van Bommel ayaa sheegay in cayaartoyda madow ee Holland lagu qeyliyay iyadoo la adeegsanayo ciyda daanyeerka, taas oo uu ku tilmaamay fal ka baxsan cayaaraha.

Kabtanka ayaa sheegay inuu xiriirka kubbadda cagta Yurub u gudbin doono dacwad ka dhan ah taageerayaasha Poland.

Tartanka qaramada Yurub oo maanta ka furmi doona dalka Poland ayaa laga digay in falal cunsuriyad ah lagula kaco cayaartoyda madow ee ka qeyb galaysa.

News/Desk

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)